Ma Ahan Akshay Kumar Atooraha Ay Ka Hesho Atirishada Taapsee Pannu, Tolow Waa Kuma

Bulsha:- Atirishada Taapsee Pannu waxay amaan lixaad leh iyo aqoonsi caalami ah ku heshay filimkii Pink oo ay sanadkii hore sameesay kaasi oo Hit wacan noqday.

Sidoo kale xidigtaan Bollywood-ka waxay soo dhaweyn ka heshay markii Akshay Kumar ay la sameesay filimkii Baby oo ay door kooban ku laheyd balse bandhig heer sare ah ka muujisay.

Taapsee Pannu iyo Akshay Kumar waa labo aad isku fahansan haatana xidigtaan waxay soo wadaa filimka Naam Shabana oo uu Akki muuqaal marti ah ku leeyahay.

Hadaba Taapse Pannu ayaa la weydiiyay atooraha ay ka hesho Bollywood-ka sida weyna u jeceshahay la shaqeyntiisa ama la kulankiisa.

Waxaa la islahaa Akshay Kumar ayay carbaabi doontaa balse ma aysan sheegin waxayna tiri “Aniga ahan John Abraham iyo Hrithik Roshan ayaan aduunka ugu jeclahay inaan filim la sameeyo waayo mudo dheer ayaan taageero weyn u ahaa”
“Runtii waxaan ka helaa John iyo Hrithik qaab dhismeedkooda waxayna ii noqon laheyd riyo ii rumowdo hadii aan labadaan xidig midkood filim la sameeyo”

Taapse Pannu haatan waxay duubis ku bilaawday filimka Judwaa 2 oo ay la jileyso Varun Dhawan iyo Jacqueline Fernandez waxaana la daawan doonaa filimkan 29-ka September 2017.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment