Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Sheegay in Soomaaliya ay ku soo Noqonayso sideedii Hore

Bulsha:- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii u horeysay waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweynaha ee maalintii shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Maxamed C/aahi Farmaajo.

Waxana uu sheegay in wax lagu farxo ay aheyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii shalay cadeyn in ay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika in ay ku soo laabatay sidii lagu yaqiinay.

Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorashadii 8-dii Bishan ka dhacday Magaalada Muqdisho, shalayna uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment