Madaxweynaha Russia Vladimir Putin oo qorsheynaya inuu hadiyad lama filaan ah farta ka saaro Donald Trump

Bulsha:- Dowladda Russia ayaa qorsheyneysa inay sirdoonka baxsadka ah ee lagu magacaabo Edward Snowden dib ugu celiso gacmaha dowladda Mareykanka, iyadoo madaxweynaha Russia Vladimir Putin uu hadiyaddaan lama filaanka ah farta ka saari doono dhiggiisa USA Donald Trump, sida ay sheegayaan warar laga helay sirdoonka Mareykanka.

Ninka ku cusub taliska White House Mr. Trump ayaa wuxuu ku tilmaamay 33 sanno jirkaan Edward Snowden jaajuus ahna khiyaanoole u qalma in la toogto, hadalkaani wuxuu kasoo yeeray 70 sanno jirkaan Trump maadaama Snowden uu bannaanka soo dhigay sir badan oo uu u hayey dowladda Mareykanka isagoo ahaa Injineer ka tirsan Waaxda Sirdoonka Mareykanka Central Intelligence Agency (CIA).

Madaxweynaha Russia Vladimir Putin oo doonaya inuu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeyo taliska Moscow iyo Washington ayaana haatan lagu soo waramayaa inuu Snowden farta ka saari doono Trump.

Sarkaal sarre oo USA ah ayaana Jimcadii u sheegay hillinka NBC News inay tallaabadaani dareen ahaan noqon doonto mid isku soo dhoweyneysa labada dowladood ee uu ka dhexeeyo Dagaalka Qaboow.
Snowden ayaa wuxuu seddaxdii sanno ee lasoo dhaafay megen-gelyo siyaasadeed ku joogay dalka Russia. Qareenkiisa Ben Wizner ayaana qirtay in uusan ka warheyn haddii Russia ay gacanta u gelin doonto Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, lataliyihii hore ee dhanka ammaanka Mareykanka Juan Zarate ayaa wuxuu aaminsan yahay in aysan jirin cid saadaal sax ah ka bixin karta haddii uu Putin qaadi doonto tallaabadaan lama filaanka ah isagoo Snowden u gacan gelinaya taliska Trump








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment