Labada Gabdhood Ee Mataanaha Ugu Caasan Adduunka Ah Oo Tilmaamay Inuu Habeen Madoow Soo Maray 10 Sanno Ka Hor

Bulsha:- Mataanaha ugu caansan adduunka Anna DeCinque iyo Lucy DeCinque, kuwaasoo si aad ah looga garanaayo baraha bulshada isla markaana kanaal ay kula hadlaan shacbiyaddooda ku leh mareegaha YouTube ayaa waxay daaha ka qaadeen sheeko shaqsi kasta uu rumeysan waayey.

Muuqaalkaani wuxuu kasoo baxay mataanaha Anna DeCinque iyo Lucy DeCinque Talaadadii, waxayna labadaan gabdhood ee mataanaha ah kuwaasoo isla jeclaaday hal wiil ballan qaadayna inay labadooduba wadaguursan doonaan tilmaameen inay qiso la yaab leh ku dhacday habeen ay damaashaad aadeen.

Walaalaha DeCinque oo lagu tilmaamo mataanaha isugu eg adduunkaan, ayaa waxay muuqaalkaan ku sheegeen inay maalin madoow soo martay 10 sanno ka hor markii ay labadooduba isla aadeen goob lagu sharaabo.

Markii ay dhammeysteen cabirta khamriga, waa ay miirdaboolmeen, muddo 12 saacood ka dib ah ayeyna soo tooseen, yeelkeede waxay daaha ka qaadeen in aysan ka warqabin wixii kula dhacay kalaabka iyo wixii lagu sameeyey.

Waxa ay xusuustaan waa keliya inuu u yimid nin una iibiyey sharaabka. Markii ay soo keceen labadooduba waxay joogeen isbitaalka, waqtigaas wixii ka dambeeyey waxay daaha ka qaadeen in aysan ogeyn wixii ku dhacay 12kii saac ee lasoo dhaafay. Mid ka mid ah mataanahaan ayaana daaha ka qaaday in aysan ogeyn haddii uu ninkaasi ka faa’iideystay iyo haddii kale.
Labadaan gabdhood ee mataanaha ah waxay u dhasheen Australia, waxaana xusid mudan in aysan saacado ismoogaan karin. Mana dhicin abid inay hal saac nolosha ku kala maqnaadaan waana sababta keentay inay ku fikiraan inay isku nin guursadaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment