Bulsha:-Qisadan oo aheyd mid u dhaxeysa wiil iyo gabar muslimiin ah kuwaasoo is jeclaa muddo dhan lix sano (سبحان الله) ayaa waxaa dhacday in mid waliba niyadiisa ay ku beeranto wal wal iskuna yiraah ALLE subxaanahu watacaalaa kama raalli ahan xiriirkaan aan ku dhisneyn shareecada islaamka asagoo mid waliba (nafsan ahaantiisa) go’aan ku qaatay in uu isaga tanaazulo arinka.
midna kan kale lama uusan tashan labadoodiiba mid walibana waxa uu raacay wadadiisa isaga oo safar u galay magaladii ay ku looleed gacalisadiisa.
waxa ay ayaamaha socdaan waqtiga iyo waayahaba isguraan waxaa dhacday in wiilkii uu noqdo xaafidul qur’aan iyo daaci diinta islaamka faafiyo waxa uu sheegay wiilkii in uu mar waliba dareemayey xanuun ku wajahan kasoo dheeraanshaha gabadhii ay isjeclaayeen waxaana uu ALLE niyadiisa ku beeray in uu iska guursado si uu uga nafiso culeyskaan.
waxaa uu arkay gabar aad uwanaagsan diiniyan iyo aqlaaqiyanba dadka ku hareersana ay aad u amanayaan gabadhaa oo iyadu madarasad ku dhex tiilay masjidka ku barta hablaha qur’aanka kariimka ee qowlkii (EEBBE).
Wiilkii ayaa hooyadii usoo diray gabadha si ay uga soo eegto waxaana ay wiilkii hooyadii ugu bishaareysay in ay tahay gabar ay ka muuqato diinta islaamka.
durbadiiba waxa uu bilaabay wiilkii adeegyadii loogu talagalay guurka waxaana uu habeen yimid gurigii ay daganeyd gabadhii si uu u eego wajigeeda.
gabadhii ayaa bilaawday in ay iska qaado indho shareerkii kadib maxaaa dhacay?
Markii uu fiiriyo wajigeeda waxa uu ogaaday in ay tahay gabadhii uu jeclaa ee uu ALLE dartii isaga soo haajiray.
iyadiina markii ay aragtay waxa ay ogaatay in maanta caalimkaan horfadhiya ee ka doonaayo guurka in uu yahay gacaliyaheedii hore halkaana waxa ku ahaaday wanaag oo idil
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment