Bulsha:- Ugu horeeyn waan idin salaamaya Bahda wacdaraha.com salaam kadib waxaan Shabakadan Dhihi karaa waa Shabakad Toosh ku ifisa Gabdhaha Xuquuqdooda la Lunsaday, sidoo kale waxaan Dhihi karnaa Hadii Dhacdooyinkan na dilooday Daaha ka Qaadaan Waxa Yaraan Doonaa Ugaarsiga ay Ragga Shabeel Naagoodka ku hayaan Dumarka dhaylaha ah.
Lakin Waxba yaan hadalka idinku dheereyn ee qisada igu dhacday aan idiinkaga sheekeya, ‘waxa ay aheyd Xili Casir liiq ah oo Qoraxda Godka sii galeyay, Waxaana xiliga ka imi iskuul lagu Barta Luqadaha, Waxaa intii aan wadada kusoo jiray I fowdeeyay Dhalinyara wadada iigaga hortimid,
Hayeeshee aniga iyo Dhalin yaradii oo Buuqsan waxaa goobta soo gaaray Wiil dhalinyara ahaa oo Gadaasheyda Soo Socday, Kaasoo iga badbaadiyay Dhalintyaradii I fowdeyneysay, Balse Daqiiqada kadib Aniga iyo wiilkii waan isku socod darsanay, waxa uuna iisii dhaweeyay halkii uu Gurigeena ku abaaraa, Intii aan wadada ku jirnay waan isbaranay, oo Magacyadeena is weydaarsanay, Qosol iyo kaftan Badan ayaa na dhexmaray sida laba qofood oo mudda is taqaanay oo kale, guriga ayaan soo gaaray, waana is macsalaameynay, kuna balanay inaanu kulano xili kale’.
Markii aan guriga horey u galay, aniga oo aanba nasan, ayaa waxaa ii shidantay cajalad muuqaal ah, waxa I hor yimi wiilkii aan hadda aan kala tagnay muuqiisa, waan Acuudu bileys-tay, markii ay maskaxdeyda caadi kusoo noqotay ayaan dareemay, in qalbigayga wiilkaa aan manta soo bartay uu si fudud ku hantay uuna dhax galay.
Walaalheyga la socda qisadan waxba yan hadalka idiinkui dhereyn Wiilkan mudda ayaan wada soconay, ilaa goortii danbe Remoto Control-ka maskaxdeyda haga uu isaga noqday, wuuxna iga dhaadhiciyay inuu meher qarsoodi ah ila galo, ana kamaan warwareegin oo fikirkiisa waan ku raacay, maxaayeelay waxaan noqday Gabar heegan u ah warwalboo afkiisa kasoo baxa, Shiiq aan aqoon ayaa la,ii geeyay, Waxaana markaa meherkeyga Marqaati ka ahaa, laba wiil dhalinyara ah oo ayagana aan aqoon u laheyn, oo uu isaga soo kaxeystay.
Hadaba Waan ku qancay meherkaa laakiin Mudda kadib maxaa dhacay, Qilaaf ayaa nasoo kala dhex galay, kaasoo aan aniga iyo asiga aan xal u weyyney, Go,aan ayuu soo gaaray waxaa uuna soo watay laba wiil, anoon fileyn ayaa sdex dalaaqa leygu daayay sidaasne ayu igu furay.
Madaxii ayaa laba I kala noqday, waxaan ka walawalay waxa igu dhacay, maxaa yeelay, SI qarsoodi ah ayaa la ii mehersaday hadane si qarsoodi ah ayaa la ii furay ,reerkeyga waxba iga ma oga oo waxaan u ahay gabar ,Gabar gurigeed gabar ka ah garoomadane garoob ka ah.
Ugu danbeeyntii Waxaanan hablaha soomaaliyeed ee soo baxaya kula talinaya in ay iska ilaaliyaan Ragga hororka ah, Sidoo kalana Raga waxaan leeyahay ogaada in gabdha idinla dhasheen, ayeey hadalkeedi kusoo gabagabeysay Istaahil Yuusuf oo qisadan xanuunka badan ay ku dhacday islamarkaane inooga shekeeysay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment