Fadlan Kareena Kapoor Yaan La Raacin Ama Lagu Dayanin: Waa Talada Ay Siiyeen Dhaqaatiirta Hooyooyinka Hindiya Ee Xaamilada Ah

Bulsha:-  Kareena Kapoor Khan hadal heynteeda weli ma dhamaanin marii ay uurka laheyd ilaa ay xidigtaan ka dhasho waxaana haatan u joogo wiil loo bixiyay Taimur Ali Khan oo dhashay 20-kii December 2016.

Hadaba Kareena Kapoor markii ay uurka laheyd marnaba ma nasaneyn waxaa la arkayay ayadoo ka qay galeyso bandhigyada Fashion-ka iyo shaqooyin kale sidoo kalena xafladaha soo xaadiri jirtay.

Laakiin atirishooyinka caanka ah sida Kajol, Ashwarya Rai Bachchan iyo Rani Mukerji markii ay marxaladaan oo kale ku jireen marnaba banaanka isma keenin weyna ka dhuuman jireen saaxada waxayna qilaafsanaayeen firkadaha Kareena Kapoor hirgalisay.

Hadaba dhaqaatiirta ayaa usoo jeediyeen hooyooyinka haatan xaamilada ah ee dhawaan dhali doonaan inaysan qaadin talaabooyinkii ay Kareena qaaday.

Dr Firuza R Parikh oo ka tirsan Jaslok Hospital waxa soo jeedisay in sida dhaqanka Hindiya yahay hooyada 40-maalmood guriga joogto sidoo kalena aysan hawl culus qabanin waxayna sheegtay in minka ama ilmo galeenka u baahan yahay waqti ku filan sidii uu xaaladiisa caadiga ah ugu soo laaban lahaa madaama mudo 9-bilood hooyada ubad ku siday.

Waxaana dhici karto halis caafimaad iyo dhiig baxa xoogan hadii hooyada ayadoo si fiican u kabanin shaqada ku laabato ama safaro kala duwan gasho.

Sidoo kale waxay dhaqaatiirta Hindiya u sheegeen hooyooyinka xaamilada ah marka ay dhalaan inay nastaan 6-todobaad waayo jirkooda wuxuu u nugul in Infection ku dhaco madaama ay weli dabacsan yihiin jir ahaan iyo maskax ahaan.
Madaama Kareena Kapoor tahay qof caan ah dhaqaalo ku filan heesato sidoo kalena heli karto caafimaad midka ugu sareeyo waxaa lagu booriyay hooyooyinka xaamilada ah ee dhawaan dhali rabaan inay taxadar badan sameeyaan oo aysan wax walbo Kareena Kapoor kaga dayanin.

Waayo Kareena mudo 20-maalmod oo kaliya ayay fagaaraha ka maqneyd markay dhashay sidoo kalena 48-maalmood kadib waxay bilaawday jirdhis waxaana lagu arkay ayadoo Gym sameeneyso waana arin lala yaabay!







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment