DAAWO: Sawirrada Banaanbixii Maanta Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Bulsha:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay banaanbax lagu taageerayay guushii Soomaaliya ay ka soo hoysay muranka Dacwadda Badda ee u dhaxeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii Maxkamadda ICJ ay ogolaatay in ay qaado Dacwadaasi.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, Ururka Haweenka, Kooxda fanka ee Heegan iyo Dadweyne laga kala keenay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay Banaanbixii maanta.

Shacabkii ka soo qeyb galay Banaanbaxani ayaa waxa ay sheegeen in ay rajo wanaagsan ka leeyihiin in Badda Soomaaliya laga soo dhiciyo Dowladda Kenya, maadaama Qareenada Soomaaliya u doodaya ay yihiin kuwo aad u garanaya kiisaska nuucan oo kale ah.
Dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in ay leedahay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in ay heshiisay dowladeed la galeen Madaxda Dowladdii KMG aheyd ee dalka ka talineysay.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment