Bulsha:- Inkastoo ay soo baxayeen warar sheegaya inaan atariishada caanka ah Jacqueline Fernandez kasoo muuqan doonin filimka Salman Khan ee Kick 2, isla markaana doorkeeda la sheegayey inay qaadan doonaan midkood Kriti Sanon iyo Amy Jackson, haatan waxaa soo baxaya warar ka duwan kuwii hore.
Wararkaan ayaana haatan sheegaya inay Jacqueline kasoo muuqan doonto filimkaan Kick 2 ee uu hogaamiyaha ka yahay Salman Khan iyadoo noqon doonta atariishada koowaad ee filimkaan.
Jacqueline ayaa dhowr jeer hore uga soo shaqeysay aflaan uu sameeyey Sajid Nadiadwala sida Housefull 2, Housefull 3, Kick iyo Dishoom. 31 sanno jirtaan ayaana hore u sheegtay inuu filimkii Kick qeybtiisii hore uu ahaa midkii bedelay xirfaddeeda fanka.
Kick waxaa asalkiisii lagu sameeyey Telugu ahaan, waxaana sameeyey Surender Reddy sannadkii 2009kii, haatan filimkaan qeybtiisa labaad ee Kick 2 ayaa la filayaa in la daawado sannadka soo aadan 2017ka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment