Bulsha:- Waxaa soo gaartay Axmed Cabdicasiis oo ah ku xigeenka maxkamadda Qaahira ee dambiyada dacwad ku saabsan wiil dilay aabihiis kadib markii uu ka dhex dhashay Khilaaf.
Dhacdadaan ayaa noqotay mid ay aad uga xumaandeen dadka u dhashay dalka Masar, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Qaahira ee caasimadda wadanka u ah, kadib markii aabe dhalay ilmo uu Hooyadood oo ay kala tageen ugu hanjabay inuu soo bandhigi doono muuqaalo uu ka duubay intii ay is qabeen weliba iyagoo ku jiro xaalad galmo.
Wiilka dilka geystay ayaa sharaxay dhacadaan iyo sida ay u dhacday wuxuuna tilmaamay in aabihiis uu damacay inuu fadeexeeyo hooyadiis kadib markii ay kala tageen labadooda.
Wiilka ayaa sheegay inuu aabaha hooyadaan ka duubay muuqaal xilli ay ku jireen xaalad Sariirta ku saabsan wuxuuna aabaha ku hanjabay inuu muuqaalkaan dhigi doono Youtube haddii aysan hooyada ka tanaasulin waxyaabo badan oo ay xaq u leedahay.
Wiilka dacawadaan lagu soo ogaaday ayaa qirtay inuu isaga aabihiis ugu aarguday hoyadiis si uu u ilaaliyo xaqeeda iyo Sharafteeda wuxuuna caddeeyey inuu diyaariyey qorshaha uu aabihiis uga taqalusi lahaa ka hor inta uusan sheekadaan sameyn taasoo aheyd inuu ku ceebeyn doono saaxiibadiis, wiilkaan ayaana u adeegsaday dilka aabihiis laba wiil oo ay saaxiibo ahaayeen kuwaas oo uu siiyey Nus Malyan Geni.
Sidaas ayaana lagu dilay aabaha wiilkaan xilli uu joogay guri kale oo uu ku qabay naag uu guursaday markii uu furay hooyadaan wiilkaan.
Dacwadda maxkamadda ayaa si rasmi ah u bilaabatay maanta waxaana la sugi doonaa natiijada kasoo baxdo iyo xukunka lagu rido wiilkaan dilay aabihiis.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment