Sida Looga Hordaga Caada Xanuunka Dumarka ku dhaco.

Bulsha:- Mararka qaarkood haweenka waxa lasoo gudboonaata caado-xanuun ama caado wareer, taaso micnaheedu yahey in caadada eey dhibto dumarka qaarkood. 

Waqtigaas caada wareerka la soo gudboonato ayaa dumarka qeebtood waxey is weeydiyaan su'aalo ey ka mid yihiin: Maxa caadada iga soo dahday? Maxan laba goor caado u heley bil gudaheed? caadeydu maxey u istaagi la'dahey? iyo goormey istaagi?



Su'aalahaas iyo kuwo la mid ah oo dumar badan ka nixisa, oo jahwareer iyo shaki ku rida hadeysan aqoon u laheyn.

Aqriso: Dhibaatooyinka Kaimaadi Kara Galmada Waqtiga Haweeneydu Qabto Caadada ama Haidka?,

Gabadhu waxey hesha cadada ‘Menstrual Cycly’ inta u dhaxeyso 10 ilaa 15 sano, gabdho qeebtood ayaa da’aadaas ka hor dhiiga ugu horeeya ka dhaca ‘Menarche’ kuwana kadib qaangara. Dakhatirta ayaa wareegtada dhiiga dumarka iney tahay 28 maalmood ku mucayima. Sidoo kale bil kaste iney ka duwanaato bilihi hore dhinaca maalmaha ayaa suurta gal ah khaasatan sanadada ugu horeeya ee gabadhu hesho cadaada. Cadaada ayaa waxa sababa ugxanta dumarka aan bacrimisamin oo kala daata kuwaaso noqda cadaada haweenka.


Caadada caadiga ah 
Waa ku kala duwanyihin dumarka intey le'egtahey dhiiga ka imaada waqtiga caadada ey ku jiraan. Sida caadiga ah ayaa dumarka qeebtood helaan dhiig qiyaasti dhan 12 qaando, kuwana waxa laga yaaba 3 qaando ama ka yar bishii iney ka dhacdo.

Caado Wareerka 
Caado-keen ,taaso ah iney dumarka isku arkan xanaaq dhaw, murqo xanuun caloosha agagaarkeeda ah, dulqaad la’aan, iyo wareer imaada ka hor inteysan helin caadada. Sidoo kale is badal ku dhaca hab-socodka dabiiciga ah ee cadada.


Maxa sababa caado wareerka
Haween badan ayaa wahjaha caado wareerka oo ma ahan wax had iyo goor halis ah. Balse waa muhiim inaad ogaatid waxa sababay, hoos waxa ku xusan waxaayabo sababa caado wareerka:


Ugaxan-sidaha Fiixda Leh 
Ugaxan-sidaha fiixda leh ayaa ah xaalad caafimaad oo sabab caan u ah caada wareerka dumarka. Sidoo kale wuxu dhaliya qofka oo aad u cayila, timaha oo aad u baxa iyo madhaleysnimo. Cudurkan oo ah mid hido loo kasbado ama ku dhaca haweenka markey dhallaan kabacdi, taaso la ogeyn sababta runta ah oo keenta. Ugaxan-sidaha Fiixda leh oo aan laheyn dawo rasmiya laakin dakhtar hadaad u tagtid kuu sheegi karo qaabab aad raaci kartid si uu xanuunkisa kugu sahlanaado oo ey ka mid tahay badalida qaabkaga nolol maalmeed


Uurka
Waqtiyada badan oo dumarka caado wareerka ku dhaco waxa u badan markey uur qaadan, taasoo dhiiga kasoo daaho ama in ka yar/ ka badan intey hore u heli jireen hela. Tan micnaheedu ma ahan inaad uur leedahay markastoo caado wareer kula soo gudboonado balse waa haboontahay inaad dakhtar u tagta.

Walwalka 
Dhakhatirtu waxey isku raaceen in walwalka uu sabab weyn u yahay caado wareerka, Cortisol, oo ah hormoonka walwalka ayaa saameyn toos ah ku yeesha inta brojostoon iyo istroojin uu jirka soo saaro. Marka dhiigagu haduu coristol badan leeyahay waxad isku arki karta caadada oo isbedel ku imaado, waqti iyo inta ka dhacadaba bil kasta.

Cuntada 
Sabab kaloo aad loo yaqan waxa waye cuntada aad cuntid oo sameyn ku leh caadada, tasoo dib u dhigta waqtiga aad caadiyan heli jirtay ama soo hor marisa.


Jimicsiga 
Had iyo goor dumarka jimicsiga ku lug leh cadaado ma toosna oo waqti aan xadidneyn ayey timaad. Jirka wuxu u baahanyahay quwad ‘energy’ si ey dumarku caado u helaan. Hadaba hadaad wax badan jimicsatid tamar badan ayaa ka baxeysa jirkaga taas oo suurtagalnimada inaad bishaas caado heshid hoos u dhigeysa.


Daawada
Kaniinada looga hortago ama lagu xadidiyo uurka ayaguna saameyn weyn ayey ku yeeshan caadada dumarka taaso hormoonada jirkaga kala badala eeyna waqti qaadato iney la qabsadan kaniinyadas. Sidoo kale hadaad qadaneysid daawoyin kale waxa laga yabe in caadada kasoo dib dhacdo, maxa yeelay dawoyinka waxey sameeyan qaabka jirkaga u soo saaro astrojiin iyo broojistroon.


Dhalmadeys 
Sida uur qaadista sameyn ugu leedahey ayey dhalmadeysku saameyn aad ahe ugu leeyahay, 10 ka hor inteysan haweenku dhalmada deyn ayey ku bilaabata caado wareer, waa markey 40 dhaafan oo eysan 50 sano gaarin. Waxey wajahan waqtiga caadada oo jahwareer ku imaado.


Daweynta caado wareerka
Waxey fududahay markaad ogtahay waxa sababey in si sahlan dakhtarkaaga daawo mucanyan ah kuu siiyo. Dawaadas oo dheeli tireysa hormoonada jirkaga. Waa laga yaaba in dhakhtarkaagu wax ka qaban kari waayo taaso ku xiran hadba waxa sababay.



*hormoon: Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya ubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
*borojestaroon: hormoon ku lug leh ubuurka unugyada taranka.
*istroojin:Koox hormoonno ah mid ka tirsan, sida: istiriyool, istiroon iyo istradiyool, kuwaasoo suga koridda qaab dumareedka ayagoo horumarinaya koritaanka iyo hawlqabadka xubno jinsiyeedka umarka iyo qaab jinsiyeedka labaad ee dumarka sida: korista naasaha.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment