Amal Aden oo markale dib u bilowday magac xumeeynta dumarka soomaalida Noorweey

Bulsha:- Amal Aden oo markale dib u bilowday magac xumeeynta dumarka soomaalida Noorweey

Gabadha lugu magacaabo Amaal Cali oo ah gabar asalkeedu soomaali yahay, 


kuna nool dalka Noorwaay, ayaa caan ku aheyd sumcad dilka soomaalida dalkaasi.

Maqaal ay dhawaan ku daabacday wargeyska Dagbaladet ee ka soo baxa dalkaasi, ayey ku sheegtay in haweenka soomaalida ay yihiin kuwo uun u jooga Noorweey qaadasha lacagaha ceyrta islamarkaasina dooneyn ineey shaqeeystaan.

Iyadoo gabadhani meelo kala duwan kaga hadleeysa meel kadhaca soomaalida Noorwaayey ayey isweydiisay  waxa ay sheegtay”dad aan dooneyn is dhex gal ineey sameeyaan ay ku sameeyn karaan is dhex gal?” Waxeey iyadoo aad moodid ineey talooyin siineeyso dadyowga ku cusub dalkaais farta ku tilmaantay in dadka cusubi looga baahan yahay ineey dhex galaan bulshadda ay la nool yihiin halkii ay xaafado ku go’doonsanaan lahaayeen.

Dhinaca kale waxeey sheegtay ineey jiraan dad aan weli dooneyn ineey u hogaansamaan nidaamka iyo sharciyada dalkaasi u yaala, kuwaasoo ay xustay ineey aaminsan yihiin gacan u qaadista haweenka iyo carruurta, maxaa yeelay beey tir waxaa raali uga ah diintooda. Bulshadda iyadoo maqaalkeedii labbo qeybood ugu kala qaaday ayey sheegtay ineey jiraan qolo la jaan qaaday dalkaasi, halka weli ay jiraan kuwo kale aan dooneyn ineey horumar sameeyn aan ka aheyn ineey gurtaan ceyr. Halka misna dhalinyaradda muslinka sheegta lugu hayo dabakac joogto ah iyo kuwo kale oo tagaasileey u badan ay ilaalo gaar ah ka hayaan gabdhaha.

Ugu dambeyntii maahan markii ugu horeeysay ee ay weerar afka ah ku qaado gabadhan la baxday Amaal Cali soomalida Noorweey. Waa tarjumaanad aad caan uga ah magac xumeynta soomaalida dalkaasi. Waxaa lugu eedeeyaa ineey qeyb libaax ka qaadatay ollole lugu soo qabtay boqolaal qoys oo soomaalida Oslo ah kuwaas oo la sheegay ineey lacagaha ceeyrta is daba marsiiyeen. Maqaallo ay soomaalida ku aflagaadeeyneysana waxaa ay ku soo qortaa wargeysyada dalkaasi.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment