SAWIRO NAXDIN LEH: Al-shabaab oo Baahisay Xasuuqii Ciidamada KENYA ee deegaanka Kulbiyoow

Bulsha:- Muqdisho : Ururka Al-shabaab ayaa  baahiyay Sawirada weerarkii ay ku qaaden Xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubadahoose.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa baahisay Sawirada Weerarkaas oo si xun loogu xasuuqay ciidamada Kenya sida ka muuqata.

Sawirada laga baahiyay weerarka ayaa waxaa lagu arkayay meydadka askar ka tirsan ciidamada Kenya oo daadsan gudaha Xerada.

Weerarka Xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyoow oo ka tirsan gobolka Jubadahoose, ayaa dhacay 27-kii bishan, waxa ayna Maleeshiyada Al-shabaab sheegtay in weerarkaasi ay ku dishay 72 Askari oo Kenyaan ah, halka dowlada kenya ay arrintaas beenisay.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment