Filimka Aadka Loola Dhacay Ee LA LA LAND Oo Abaalmarin Kale La Siiyey

Bulsha:- Soosaareyaasha shirkadda aflaanta Mareykanka Hollywood ayaa filimka La La Land ee xambaarsan farriinta muusigga ah waxay u doorteen filimkii ugu fiicnaa ee la sameeyey sannadkii lasoo dhaafay 2016kii.

Inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhaleeceeyey farriinta filimkaan, hadana xaflad dhacday Sabtidii ayaa loogu doortay Hollywood Best Film Of 2016 waxaana codadka laga qaaday keliya soosaareyaasha shirkaddaan.

Ryan Gosling iyo Emma Stone ayaa hogaamiyeyaal ka ah filimkaan guulaha ku tallaabsaday ee La La Land, waana abaalmarintii 28aad ee la siiyo filimkaan. Kuna darso 14 shaqsi oo ka shaqeysay filimkaan ayaa lagu soo daray xulashada abaalmarinta Oscar horraantii bishaan.

Haatan guddiga Producers Guild of America (PGA), kuwaasoo ay ku jiraa soosaareyaal magac darre ku leh Hollywood iyo dad caan ah ayaa filimkaan ugu fiicnaa ee ay sameeyeen Hollywood sannadkii lasoo dhaafay.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment