Bulsha:- Gabadha modelka ah ee reer Britain Sofia Hayat taasoo sidoo kale kasoo shaqeysay mashruucyo India ah ayaa waxay eedeyntii ugu xumeyd dusha ka saartay atooraha caanka ah ee Bollywood Salman Khan.
Sofia Hayat oo lagu yaqaano inay tahay gabar soo jiidasho badan waxay caan ku tahay inay u tartantay showga Bigg Boss ee uu daadihiyaha ka yahay Salman Khan.
Waa atariisho ahna modelka, sidoo kalena fannaan ah, Sofia Hayat ayaana waxay daaha ka qaaday arrin la yaab leh oo ku saabsan sida uu dumarka u liido xiddiga Bollywood Superstar Salman Khan.
Sofia ayaa waxaa la xusuustaa inay isku dheceen Salman Khan, laakiin waxay kasoo muuqatay showga Bigg Boss Season 7 inkastoo ay xaqiiqadu tahay in uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhexeeyey 51 sanno jirkaan.
Sofia waxaa la xusuustaa in laga reebay tartankaan muddo Isbuucyo ah oo ay tartan xoogan kula jirtay atooraha shaashadda laga waayey Armaan Kohli ka dib. Waxaana la xusuustaa in tartankii ay la gashay Armaan Kohli uu xitaa isku bedelay dagaal shaqsi ah taasoo keentay inay maxkamad ka dacweyso iyadoo ku heysata arrimo la xiriira inuu aflagaado shaqsi ah u geystay xilli ay ku jireen guriga Bigg Boss House.
Laakiin wax tallaabo ah lagama qaadin Armaan, laakiin waxay si aan toos aheyn u eedeysay Salman Khan oo ah daadihiyaha barnaamijkaan waxayna daaha ka qaaday inuu isagu taageero u ahaa Armaan oo iyada la tartamayey, isagoo ka galay qaladaad shaqsi ah ugana hiilliyey Armaan.
Wareysi ay siisay shabakadda BollywoodLife, Sofia ayaa ku tiri: “Showga Bigg Boss ee bulshada India saameynta weyn ku leh sida weyna ay dadku u jecel yihiin waxyaabo qaldan ayaa markasta ka dhaca.
“Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa wixii aniga igu dhacay, waxaan ahay haweeneey waxaan aflagaado ii geystay rag u dhashay India. Weliba wax tallaabo ah lagama qaadin raggaas, dadku waxba kama soo qaadin sida ay dumarku ugu dagaalamaan caddaaladda.
“Armaan waxaa showgaan kusoo daray isla markaana shaqaaleysiiyey Salman Khan qudhiisa, waxayna isku kaashanayeen hal aragti oo ka dheceysa labadooda taasoo ah inay si wadajir ah dumarka aflagaado ugu geystaan. Salman Khan waa nin jecel inay haweeneey kasta isaga d*bada u leefto. Wuxuu doonayaa inay haweenku markasta isaga u nacamleeyaan”.
F.G: Hadalka Gabadhaan waa sarbeeb waxayna ula jeedaa Salman Waa Nin jecel nin Gabdhaha ay isaga ka dambeeyaan
Muxuu Salman Khan uga jawaabi doonaa eedeymahaan loo soo jeediyey? Bal aan sugno inta ay saxaafaddu su’aalo ka weydiineyso.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment