Bulsha:- Shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry ayaa durba heleysa baaqyo ku aadan in la sameeyo filimka Dangal qeybtiisa labaad (Dangal 2).
Inkastoo aysan weli soo bixin warar si rasmi ah loogu shaacinayo mashruucaan, hadana waxaa soo kordheysa suurtogalnimada ku aadan in la sameeyo Dangal 2 iyadoo laga ambaqaadayo guulaha uu ku tallaabsaday filimkaan Dangal oo haatan wacdaro ka dhigaya Box Office isla markaana guulo ganacsi iyo iskooro cusub ku tallaabsanaya.
Ritu Phoghat oo ah gabadha uu dhalay Mahavir Singh Phogat ninka taariikhdiisa laga sameeyey filimka Dangal ayaa waxay soo jeedisay baaq ah in filimkaan laga sameeyo qeyb labaad.
Ritu Phoghat waa gabadha ka yar Geeta Phogat sidoo kalena waxay ciyaartaa legdanka. Waxaana laga yaabaa in filimkaani uu u gaar noqdo Billadii Dahabka ee ay Ritu Phoghat kasoo xareysay ciyaarihii Olympics.
Ritu Phoghat waxay dooneysaa in markale la sameeyo filim lagu dhiirrigelinayo haweenka India si ay ciyaaraha legdanka ugu biiraan. Ritu ayaana la weydiiyey atariishada ku habboon inay doorkeeda ka run sheegto waxayna xustay inay doorkaan ku fiicnaan laheyd Sonakshi Sinha maadaama ay tahay atariisho jir ahaan xoogan isla markaana doorka legdanka kaga run sheegi karta filimka Dangal 2 haddiiba la sameynayo.
Dangal waxaa hogaamiye ka ah Aamir Khan wuxuuna tababar siinayaa labada gabdhood Sanya Malhotra iyo Fatima Sana Sheikh filimkaan ayaana wuxuu ka mid yahay aflaantii ugu fiicnaa ee ay sameeyeen Bollywood sannadkii tegay 2016kii.
Balse miyuu agaasimaha filimkaan Nitesh Tiwari sameyn doonaa qeybta labaad ee Dangal, waa arrin ay tahay in la sugo waqtigeeda… Haatan diiradda waa Dangal iyo wacdaraha uu ka dhigayo Box Office.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment