Bulsha:- Markii aad tahay dhibane jaceyl, waxaad aamineesaa in ruuxa ku diidayo isagane uu farxad iyo baraare ku jiro, waxaad aamineesaa in uu dhibka adiga bas kuugu egyahay, cadaabka uu leeyahay jaceylka waa mid adiga kuugu kooban, balsa waxaa jiro hadii aad saxantahay oo aa tahay ruuxa ku taagan wadadii jaceylka, niyadiisuna tahay niyad saafi ah oo ka dhoorsoon xumaan iyo xiqdi waxaad ogaataa in ruuxa sida qaldan kuu xumeeyay in uu isagane dhibana yahay waxaadna ka garan gartaa hadalka ay iisoo dirtay oo ah hadal muu jinayo in ay ladi la dahay hurdo, inkastoo hadalkeeda ereyda qaar ku jiro iga dhigayo in aan ahay qumay balsa waxaan dareemaya in aan kaligeeyga dhibane jaceyl aheen, hadalkeedii ayaa sidatan u dhacayay:
Nabsigii aan kaa galaa
Aniga igu soo noqdee
Neecaawda udgoon mahelo
Naqaski baa igu xirmoo
Nolosha dhan waa nacaye
Wax ila nuuraayo maleh
Sidii nabar ruux kuyaal
Amaba is nidaamis qabo
Si nagi ah kuma hurdee
Hadaan wax yar nasa isdhaho
Dhulkaa ila nuuxsadee
Naxdin ayaan deris lanoqday
Adi unbaa i hor nudane
Nuxurka hadalkeeyga fahan
Aniga niyad kuuma hayoo
Nafteeydane kuma rabtee
Hadii kale naadis iyo
Nacasnima la nac nacleey
Inaa nin qumay ah tahay
Ka nux nuxleeynaya naf kale
Hadane nolosha aan aqoon
Sidii naag niyad xumida
Nuglaanta aan kuugu nacay
Aniga haigu daba nab nabin
Nabad gelyo wacan isii
Waa ka naxay markii aan arkay qoraalkeeda, naxida aan ka naxayo waa mid beer jileec ah, ma udul qaadan kartid ruux aad jeceshay in uu xanuun asiibo, waad ka yara murgooneesaa inkasto ereyada qaar ay soo qortay ay yihiin kuwa meel ka dhac ah hadane waxaa ka tan badan naxariista aan iyada u haayo, hadii aad qof naxariis badan u heeso waxaad u yeelan doontaa sabar badan, niyad ahaan waan u duceeyay Allah waan ubaryay waxa ay ka cabaneeso in uu ilaah ka qaado, laakiin jawaabta aan bixinayo kuma darin wax dabacsanaan ah, waxaan iska dhigay wiil ad adag, marmarka qaar waa loo baahanyahay ad adeega hadii uusan sababeen kala tag si aad u badasho qofka mowqifkiisa, waxaan u diray anigane fariin sidaan u qoran :-
Ruuxaad ubukto dartii
Jac haduu kuugu dhajiyo
Meel cidlaa kaaga dhaqaaqo
Waayihii tagay dib umilicsan
Naxariistii ka nabaad guurtay
Dacaayad aan jirin iyo
Bahdil kula daba kacay
kuugu sifeeyay haran
haduu khaaliqa qaladkaa gashay
Si dadban kuugu tusay
Adna aad iminka la aadeerso
Garowso halka lagaa heesto
Nabsi aaad iga gashay
Abaalkiisa Rabbi ku mudneesiiyay
Silacaad sheegatay iyo dhibka
Wali sidaan rabay ma gaarsiisna.
Intaa markii aan diray, waxaa ila soo xariirtay iyada walaasheed, waxay igu tiri walaasheey nin ayaa ka dhex qeeliniyo ninkaas markii uu hadlayo wuxuu sheegaa in aad adiga tahay, hadii quraan la saaro adiga ayaa ka dhex qeelinayo, waxaan kaa codsan lahaa dad is jecel oo kala haray labadiina uguma horeesaan iska cafi walaasheey, waxay ii raacsiisay hadii ay gaalada aan dariska la nahay ay maqlaan qeelada iyo buuqa waxaa loo qaadanayaa walaasheey qof waalatay kadib waxaa loo ka xeen doonaa meesha lagu xanaaneeyo dadka miirka la ama dadka waal waalan, hadii kale waxaa suurta gal ah in cirbad lagu dhafto ay iska noqoto qof maahsan.
Waxaan ku iri waa runtaa il bini aadam way jirtaa, sidoo kale nabsi wuu jiraa, qof dhoorsoon il bini aadam ma qabato, walaashaa waxaa heesta waa cuqubo ay aniga iga gashay, xuquudayda iyo karaamada aan lahaa ayee ku tumatay, dad way kala haraa waa run laakiin dadka kala haraya waa in ay ku kala haraan qaab wanaagsan, walaashaa markii aan kala harnay aniga oo jecel iyada sidaas iguma dhaafin waxay aheed mid ila dul taagan af lagaado iyo baahin waxa ay iyada u aragto fadeexo, hadii ay xanuunsato waa qof bini aadam ah waan ka naxayaa laakiin iyada ha saxdo qaladaadkeeda.
Walaasheed ayaa igu tiri qaladka lama sixi karo waxaa tahay qof ka soo jeeda dad aan lala wadaagin guur, sharafta walaasheey kuma jirto in aad u noqoto mustaqbal, qaladka ay walaasheey kaa gashay Soomaali oo dhan ayaa idinka gashay, hada waxaa na heesta waa qalad aan adiga kaa galnay ee iska cafi walaasheey.
Mudo markii ay bogsan wayday, xanuunka haya iyada uu noqday mid aan ka qorsoomin dadka ehelka u ah iyada, anigane la iga soo wacayoo teeleefoonka la iigeesto af lagaado kasta, markii danbe waxay go’aan loo wada dhanyahay ku gaareen in gabadhooda loo guuriyo wiil ay qaraabo yihiin.
Reerka gabadha ayaa aaminsan hadii mar gabadhooda lagu daro nin in uu ka hari doono xanuunada iyada heesta, waxay daawo ka raadiyeen guur.

Inta uu socday qaban qaabada guurka iyo xiliyada la dhigo doono ayee gabadha aan aniga jeclaa ee aan xanuunkeeda ka sheekenayo waxay sameesay in ay iyada oo sidii qof waalan albaabka gurigooda soo hor istaagto kadib ay la dagaasho gabar cadaan ah, gabadhii cadaanka aheed waxaa loo geestay wax yeelo dhanka wajiga ah, waxayna war galisay police ka waxaana la soo qabtay gabadhii, qof jiniyo hayo maa bixin kara wareesi si sax ah, faamilka ayaa yiri inaga ayaa u hadleeno gabadheena, police ka ayaa ka shakiyay caafimaadka gabadha, waxaana loo diray hospital, baaritaan kadib dhaqaatiirta waxay soo sheegeen in gabadhaan ay tahay qof ………………………. Losoco qeybta 6aad
W/Q : Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment