Bulsha:- Kacsi la’aanta (Hamad la’aantu) waxaa loo aaneeyaa inuu sababo burburka qoysas badan, wuxuuna si gaar ah dhibkiisu u soo shaac baxaa marka da’da raggu ay sii waynaato. Waxaa lagu qiyaasaa inuu dhibkaan saameeyo kala bar ragga da’doodu u dhaxeyso 35-70 sano. Lambarkaasi wuxuu noqdaa 60% markii 70 sano kor loo dhaafo.
Waxaa kaloo lo ogaaday in 90% raga qaba dhibkan aysan raadsan wax daawo ah iyagoo dhibkooda iska qarsanaya oo fadeexad ka cabsoonaya..
Mararka qaarkood waxay u dhacdaa si ku meelgaadh ah waxaana loo aaneeyaa daalka, murugada,
walwalka & walbahaarka. Hase yeeshee waxaa dhici karta inuu noqdo cilad joogto ah ama soo noqnoqota.
Waxaa sababi karo dhawr arimood waxaase ugu badan marka xididada dhiiga u qaada xubinta galmada ragga ay wax qaadkoodu hoos u dhacdo ama ay ciriiri noqdaan. Waxay u badan tahay raga qaab nololeedkoodu ay liidato sida kuwa cunada xun, khamriga badsada ama sigaarka caba.
Waxaa kaloo keeni kara daawooyin loo qaato in lagu daweeyo cudurada qaarkood.
Haddii dhibkaan aad isku aragtid fadland waxaad u baahan tahay inaad u tagtid dhakhtar si laguu baaro ama lagaaga daaweeyo waxa keenay.
Ogow dhibkan wuxuu noqon karaa calaamad cudur sida sonkorowga,
dufanka dhiiga oo badata ama dhiig-karka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment