Bulsha:- Ranbir Kapoor ayaa maanta bilaabay duubista filimka looga hadlayo taariikh nololeedka halyeeyga Bollywood Sanjay Dutt. Director Rajkumar Hirani oo iska leh agaasinka filimkaan ayaana daaha ka qaaday arrintaan.
Wuxuu kusoo qoray akoonkiisa Twitter: “Maanta waxaan bilownay duubistii ugu h--eysay ee filimka looga hadlayo taariikhda Sanjay Dutt. Filimkaan waxaa ku jiri doona ficillo qosol leh. Kooxda duubeysa iyo shaqaalaha howshiisa wada intuba waa ay ku faraxsan yihiin”.
Hirani oo la hadlayey warbaahinta India ayaa xaqiijiyey in filimkaan la daawan doono Ciidda Masiixiga ee sannadkaan 2017ka. Waana arrin xiiso leh, sababtoo ah filimkaan waxay isku dhici doonaan filimka ay leedahay shirkadda Yash Raj Films ee Tiger Zinda Hai kuwaasoo h--e u qabsaday Ciidda Masiixiga.
Filimka Tiger Zinda Hai ayaa waxaa hogaamiyeyaal ka ah Salman Khan iyo Katrina Kaif, kuna darso waa qeybtii labaad ee laga sameeyey filimkii Kabir Khan ee Ek Tha Tiger waxaana agaasinkiisa iska leh Director Ali Abbas Zafar oo ah ninkii agaasimaha ka ahaa filimkii Sultan.
Sidaas darteed filimka Ranbir Kapoor ee ka hadlaya taariikhda Sanjay Dutt wuxuu Box Office kula dagaalami doonaa filimka ay ku jirto gabadhii ay jaceylka wadaagi jireen Katrina Kaif, balse sidoo kale waxay jaceyl lasoo sameysay Salman Khan inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay shan sanno u dhexeysay xiriirkii ay labadaan atoore la sameeyeen atariishadaan.
Balse yaa guushu raaci doontaa? Ranbir Kapoor wuxuu isha ku hayaa inuu guuldarro u xambaariyo filimkaan Katrina Kaif darteed, laakiin Salman Khan oo ah Box Office King sidee ayuu ugu aadi karaa?
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment