Haweeneey Sheegtay Inuu Seygeedu Sariir La Wadaagay Gabadheeda Oo Aad U Dhallinyar Iyo Ciqaabta Uu Wajihi Karo

Bulsha:- Olamide Bola waa haweeneey u dhalatay dalka Nigeria, waxayna ku eedeysay seygeeda Ogunlana Bola inuu yahay ninka ugu xun adduunka maadaama uu sariir la wadaagay gabadheeda 11 sanno jirta ah.

Haweeneeydaan oo ay muddo shan sanno ah isqabeen ninkaan ayaa waxay maxkamadda ka codsatay in laga furo ninkaan, markii sababta la weydiiyey ayeyna bixisay sharraxaad ku saabsan sababta ay furriinka uga dalbatay.

Sida laga soo xigtay Olamide Bola, wax intaan ka badan uma dulqaadan karto ninkeeda maadaama uu galmo sharci darro ah la sameeyey gabadheeda 11 sanno jirka ah, taasoo ay iyadu nin kale usoo dhashay.

Haweeneydaan ayaa xitaa u sheegtay maxkamadda inay ka qoomameyneyso go’aankii ay ku guursatay ninkaan ay ku tilmaantay mid aan masuuliyad qaadi karin.
18ka bishaan Janaayo ayaa kiiskaan go’aan rasmi ah laga soo saari doonaa, sida laga soo xigtay maxkamadda loo gudbiyey kiiskaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment