Xog:- Afduub dhab ah oo bedelay Filim afduub lagu jilayay Malta

Bulsha:- Filim lagu jilayay garoonka diyaaradaha Jasiirada Malta ee ahaa afduubka diyaaradeed ayaa waxaa hakiyay afduub dhab ah kadib markii garoonka ay ka soo degtey diyaarad laga soo afduubtay dalka Libya toddobaadan.

Duqa magaalada Lija Magda Magri Naudi ayaa ku tilmaamay arrintan mid la yaab leh kadib markii afduubkii lagu jilayay garoonka uu isu bedelay afduub dhab ah.

Filinka la jilayay ayaa ahaa mid  ku saabsanaa diyaarad hore loogu afduubtay dalka Uganda  gaar ahaan Entebbe afartan sano kahor, hase yeeshee waxa uu ahaa mid ka duwanaa afduubka dhabta ah ee diyaarada la keenay jasiirada Malta.

Afduubkii ka dhacay dalka Uganda ayaa ahaa mid uu ku daatay dhiig faro badan halka afduubkii dhabta ahaa aysan qofna ku dhiman.

Sanadkii 1976dii ayaa ciidamo Israa’iliyiin ah waxaa ay si xoog ah ku sii daayeen 105 ruux oo la afduubtay kadib markii la diley siddeed ruux oo afduubayaasha ahaa ayna sidoo kale ku dhinteen 20 askari oo u dhashay dalka Uganda.

Filimka la jilayay ayaa la qorsheynayaa in la daawado sanadka soo socda iyadoo ay jilayaasha ay ka mid yihiin Rosamund Pike, Vincent Cassel iyo Daniel Bruhl.

Diyaarada filimkeeda la jilayay ayaa waxaa saarnaa 250 rakaab ah kuwaasoo badankood ay ahaayeen Yuhuud iyo 12 shaqaale ah, waxayna kooxdii afduubka ka dambeysay ay dalbadeen in la sii daayo 54 maleeshiyaad ah oo ku xirnaa afar dal oo Israel ka mid tahay iyo weliba madax furasho gaareysa 5 malyan oo Dollar.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment