Warbixin cusub ayaa sheegtay in Facebook uusan u fiicnayn caafimaadka

Bulsha:-  Inaad waqti badan fiirisid barta bulshada ayaa keeni karata inay hoos u dhacdo farxadaada l
Inaad waqti badan aad ku jirtid baraha bulshada ayaa waxay kuu keeni kartaa masayr iyo inaad ku faraxsanaan waydo noloshaada, ayay sheegtay daraasaad cusub.

Daraasaada ay samaysay Jaamacada Copenhagen ayaa sheegaysa in isticmaalka barta bulshada ay keenayso dareen masayr.



Waxay gaar ahaan ka digtay dhibka ka imanaya fiirinta barta bulshada oo aan lahayn xiriirka.

Daraasaadka ayaa ku talinaya in laga nasto barta bulshada.
Daraasada oo ay ka qayb qaateen 1,000 qof oo u badan dumar, ayaa sheegtay in "isticmaalka badan ee barta bulshada sida Facebook ay kuu keenayso dhib caafimaadkaaga maskaxda iyo sida aad ugu faraxsan tahay noloshaada".

Warbixin ka hadlaysa farxadda oo la soo saaray
'Nolol qiyaali ah oo la isbarbardhigayo'
Baarayaasha ayaa ka digay masayr iyo farxada oo yaraata markii aad fiirinaysid dadka kale sheekooyinkooda barta bulshada, oo ay keento " nolol qiyaali oo la isbarbardhigayo."
Inaad dadka xiriir la samaysid oo aad kula hadashid barta bulshada ayaa wanaagsan, ayay sheegtay daraasada oo lagu daabacay joornaalka Cyberpsychology.

Si kale oo loo wanaajin karo caafimaadka maskaxda, waa in la joojijiyo isticmaalka barta bulshada hal toddobaad, ayay sheegtay warbixinta








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment