Bulsha:- Barnaamij dumarka looga wacyigalinaayo raacitaanka mootooyinka ama dhugdhugleyda ayaa ka bilowday Nairobi Kenya.
Arinkaan wacyigalinta ah ayaa imaanaya ayadoo ay soo badanayeen in dhawaale dumarka Muslimiinta ah gaar ahaan dumarka Soomaalida ah ee raaca mootooyinka xaafadaha Soomaalidu u badan tahay ee caasimada Kenya ee Nairobi gaar ahaan Islii.
Wacyigalinta ayaa waxaa masuuliyiinta wada kujira culimaaudiin uu ka mid yahay sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal
Barnaamijka ayaa waxaa loogu magac daray ‘Badbaadi Walaashaa’. Gabdhaha ayaa ladoonayaa in looga joojiyo raacitaanka mootooyinka kuwaasoo sidoo kalena looga yaqaano gobolkaan ama mandaqadaan bariga Afrika ‘Boda Boda’.
‘Waxaan bilownay-wacyigalinta xiligii ugu horeeyay ee mootada ama bodaboda ay soo baxday oon umalaynayo sanad iyo ka badan inay ahayd’. Sidaa ayuu sheekhu yiri.
‘Anshaxa iyo akhlaaqda oo uu ka mid yahay xishoodka;iimaanka iyo xishoodka waa la lammaaniyay buu yiri rasuulku scw. Ruuxii aan xishood lahayn iimaan maleh’.
Xishoodka ka sokow in laga baqaayo inuu sidaa kulumo ayaa hadana waxaa badan shilalka mootooyinka kuwaasoo marmar galiya halis dadka raaca amaba ay ku naf waayaan.
Mootooyinka ayaa noqday gaadiid aad ugu soo batay Kenya in dhawaale ayadoo dawladu uga dhigtay dhallinyaro badan shaqo abuurid.
Sidoo kale ayay mootooyinku yihiin gaadiid ladoor bido markii aad dagdagsan tahay iyo markii zaxmad ama ciriiri uu waddooyinka ka jiro.
Waa raqiis ama qiimaha lagu raaco ayaa jaban. Waxaa lagu raacaa Ksh50 meelaha dhowdhow ama aan aad u fogeyn.
Waxaa ciriiri ah waddooyinka inta badan maalmaha shaqada ee Kenya oo ah min Isniin ilaa Jimce.
Waxaa waddooyinku xoogaa furmaan oo aysan ciriir ahayn maalmaha Sebtida iyo Axada iyo maalmaha fasaxa ee xafiisyada aan la aadin ama shaqooyinka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment