Ragga Seegada Dilootay oo Dumarka Qancinkarin

Bulsha:- Rag iyo Dumar badan ayaa xilliga qaangaarka adeegsada qooq jebin taasi oo ay u maraan biyo bixin gacmeed amase waxa loo yaqaan siigada/seegada.

Daraasad ayaa lagu ogaaday xilliga ugu horeysa qaangaarka in dareenka qooqa uu yahay mid aad u kulul waana mid qofka ku hogaamiya fikrada ah qooq jebin iyo wadooyinka loo mara, haba ugu horeysa tixraaca iskuulka waaya aragnimada ee laga dhaxla dhalinyaro iyaga Xagga IQ Ku Raadiya habka ugu Fudud ee lagu baahi bixi karo inkastoo wadada sahlan ee aan dhibaatada laheyn ay dhalinyaradu u arkaan waxa ay noqotay siigada/seegada laakiinse daqiiqadaha yar ee biya baxa daraasadu waxa ay leedahay waxaa ka dhalata qasaarooyin soo gaarta qofka bini aadamka.

Qofka joogteeya siigada/seegada waxaa ugu horeyn dhaawac halis ah ka gaara Aragga sababtoo ah amarka ugu weyn waxa uu ka yimaada Maskaxda oo ah qeybta ugu muhiimsan ee jirka taasi ayay leedahay daraasadu in ay qeyb ka tahay waxyeelada soo gaarta aragga.

Waxaa hubaal ah seegada/siigada in ay leedahay ilowsho badan oo waxaa lunta xusuusta qofka Maskaxduna waxa ay noqotaa mid fadhida oo qofka ku keenta caajis joogta ah iyo firfircooni la;aan oo aakhirka horseeda in qofku qabsan waayo shaqooyinka waaweyn ee u baahan maskax nadiif ah oo aan daalneyn waana mid qofka niyad jebisa.

Qofka deris la noqda siigada/seegada ma lahan dareen farxadeed waqtiga galmada waxa uu la qabsaday wasmo gacmeed xor ah oo hadba isugu raaxeeya siduu doono mana u baran raaxada sariirta dusheeda oo u baahan xeelado badan oo leh is xakameyn ileen waxaa firaash wadaag ah laba jinsi oo la doonaayo in qofba qof kale qanciyo taasina ma farxad gelineyso qof caadeystay siigada oo howshiisa waa kala tuur.

xikmada kaliya ee la adeegsan karo ayaa noqoneysa in qofka keydsada biyihiisa waa kan lagu tilmaama waa mid adag oo leh awood xoog leh halka kan biyihiisu ku bixiya siigada leh tilmaamo ay ka mid yihiin daal, tabardaro iyo jirkiisa oo ka dhamaada nuxurka uu ku dhaqdhaqaaqi lahaa.
mudo badan oo la joogteeyo wasma gacmeedka qasaaraha ugu badan ee ka dhasha waa Biya Baxa Deg Deg ah , waana qatar in qofka uu lugta la gelo biyo bax deg deg ah, ha yeeshee biya baxa deg deg ah waxa uu leeyahay uur ku taalo iyo gocosho aan la ilaawi karin waayo daraasadan ayaa farta ku fiiqday 75% in ay Ragga u badan yihiin biya baxa deg deg ah hadaba Ragga oo lagu tilmaamo maamulka Galmada mar haddii uu biyo baxay Malabyarowgana uu Jiifsaday/Damay, Cambarkana Hoostiisa ay taalo isaga oo laga sugaayo in howsha uu sii wado mudo ka badan 2 Saacadood, Isagana uu ku biya Baxay 90 Il Biriqsi ( Hal Daqiiqo iyo soddon il biriqsi ) Sow Maaha Kaaf Iyo Kala Dheeri?
Jawaabta Su”aashan waxaan u daayay Aqristayaasha Waxaadse ku cabiri kartaa qeybaha aan ugu tala galnay fikradaha aqristayaasheena ku kala nool Aduunka Dushiisa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment