Bulsha:- ''Qisadan Share dheh oo la wadaag asxaabtaada kale mahadsanid''
Waxaan wacday taksiile si uu iigeeyo garoonka Mogadishu isla markaana aan taksigaas ku soo qaado wiilka si aan u geeyo hotelka, taksiilaha ayaa iyiri bal wac qofka kuu soo dagayo kadibna waydii xiliga uu ku soo beegan yahay Xamar waayo inta badan diyaaradaha local ka ee Soomaalida ee gobalada u kala goosha ma ahan kuwa “on time”, waxaan ku iri waan kuugu soo war celinayaa in-shaa-Allah.
Waxaan wacay wiilkii wuxuuna igu yiri waxaan ku soo beeganahay Xamar 11:00 AM, wali waa aroor waana xili hore, taksiilihii ayaan ku iri ii kaalay 10:00 AM, cabaar kadib waxaa igu soo dhacay bal inta aadan aadin garoonka maad soo aragtid qolka uu dagayo iyo waxa ka dhiman qolka, inkastoo aan sii qiyaasayay waxa ka dhiman, taksiilihii ayaa wacay waxaan ku iri hadda ii kaalay,
waxaan sii marnay Dayniile Supper Market oo ah mid aan sidaa iiga fogeen, waxaan soo iibiyay saabuun, barafuun, carfiso, shaampo, body cream iyo caday kadibna waxaan soo maray carwo waxaan soo iibiyay shukumaan iyo macawiiis sabar ah iyo dacas, waxaas oo qarash waa deen aan ugalayo isaga dartiisa si aan ku kasbado una muujiyo in aan si heer caalami ah usoo dhaweeyay.
Saacada waxay is gurto waxay ku sii siqeysaa 11:00, waxaana ii soo dhacday fariin ah “Gacaliso iminka ayaan soo fuulnay diyaaradii qadar saacad iyo xoogaa ah ayee diyaarada hawada ku soo jiri doontaa, teleefoonkeyga wuu dansanaan doonaa, markii aan garoonka Xamar imaado ayaan active ka dhigi doonaa telka.
Waxaan soo aadnay garoonka Mogadishu wadada KM4 balsa waa nala celiyay, waxaa na celiyay ciidanka checkpoint ga fadhiya waxayna na dhaheen wadada afisyooni marta ka soo gala halkaas ayee maraan shacabka, wixii ID card leh bas ayaa marka jidkaan.
Waxaan aadnay wadadii ciidanka na amreen laakiin gawaarida inaga horeeso aad bay ubadan yihiin, gaari kasta waa la fatashayaa xitaa dadka dhoofaya boorsooyinkooda waala furyaa, waa yaab waqtigii waxaa iga cunay feelka, taksiilihii wuxuu dareemay karakabada igu jirto iyo walaaca wajigeyga saaran waayo waxaan soo dhaweenayaa qof aniga uun igu socda, waxaan diidayaa in uu igu arko soo daahid iyo balan la’aan waana markii iigu horeesay aan is arki rabno, waxaan doonayaa inuu uu arko in aan ahay qof u heelan isaga.
Taksiilihii ayaa iyiri isug waxaan wacayaa shaqaale katirsan garoonka Mogadisho oo xamaali ah isaga ayaan waydiin doonaa in ay timid diyaaradii Gaalkacyo to Mogadisho, wuu wacyay wuxuuna ku yiri ma jirto maanta diyaarad ka imaan doonta Gaalkacyo, waxaan ku iri war xamaaligaas wuxuu ogyahay ma jirto waa tan baqashadii uu iisoo diray markii uu garoonka ka soo baxayay, ma aaminayo warka xamaaligaas.
Sidii aan feelka dhirirkiisa ugu jirnay ugu danbeen waxaan nimid garoonka Mogadishu, dadka banaanka garoonka dhooban ayaan kamid noqday ee wax sugaya, teleefoonkiisa wuu dansan yahay, waxaan iska dhaadhiciyay wali diyaarada hawada ayee ku jirtaa, indhaha waxaan ku haayaa dadka gudaha garoonka ka soo baxaya, waxaan dhahaa walaal ma Gaalkacyo ayaad ka timid iyo matimid diyaaradii Galkacyo? Mudo yar kadib waxaa isoo wacay number Mogadishu, waan qabtay kadibna wuxuu noqday yarkiii aan sugayay, waan yaabay marna waan farxaa, wuxuu igu yiri waan soo baxay banaanka hore ayaan joogaa dhanka qeybta Jubba, dhankiisa ayaan soo aaday waxaa la taagan ruux xamaali ah waana shaqsiga leh teleefoonka la iga soo wacay, indhaha qac markii aan ku siiyay waan farxay, waan kala batay, shaki dhan iguma jiro in uu ninkaan magaalada dhexdeeda ka soo labistay, wuxuu igu yiri xamaaligaan naga sii shaahiisa boorsada ayuu iisoo qaaday, waxaan siiyay 10$ xamaaligii, xamaaliga iyo ninkaan wada shaqeyn baa ka dhexeeso, 10ka doolar way kala qeybsan doonaan laakiin waa aniga qofka baxsan.
Waxaan soo wada raacnay taksigii, waxaan ku iri dad baa i dhaheen maanta diyaarad ma jirto ka imaanees Gaalkacyo, wuxu igu yiri waa run markii aan imaanay garoonka, diyaaradii ayaa cilad ku timid, rakaabkii inta badan waxay soo raaceen UN flight micnaha diyaaradaha UNka, aniga iyo dhoor qof baa nasiib u yeelanay in aan soo raacno, qolada diyaarad dagaal adag baa ina dhex maray, waanwaan kadib UN flight baa la isoo saaray, dhibkaa oo idil adiga dartaa ayaan usoo maray, marka uu sidaas leeyahay aniga dhan waan qaboobay, waxaan diidayaa in aan warka ka sii badiyo waa nin daalan ayaan isleeyahay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment