Bulsha:- Inkastoo guurka calaf yahay jeceylkana da” u gaar ah laheyn ayaa hadane waxaa jira dhibaatooyin sababa guurka la guursado dumarka garoobka ah kaasoo inta badan khilaaf aan joogsi laheyn sababa.
Guud ahaan guurku waa wax uu Allah jideeyay iyadoo Axaadiis ku soo arooreen in guurka garoobada barako badanyahay hadane waxaa jira caqabado fara badan kuwaasoo ay la kulmaan ragga guursada garoobada.
Marka aan dhowr qodob ka xusno caqabadaasi baarritaano iyo xog aruuris ay sameysay AlCarabiya ayaa waxaa 45% lagu sheegay in guurka garoobada ama Single Mother ka aad ugu duwanyahay kan gabadha.
Daraasaadkaasi ayaa waxaa lagu ogaaday in xaasaska horay garoobnimada loogu guursaday iyo kuwa gabdhah ahaa farqiga u dhaxeeyo ay tahay in hadii uu muran dhexe maro iyada iyo Saygeeda ugu hanjabto inuu si deg deg u furo iyadoo tusaale u soo qaadato kii isaga ka horeeyay taasoo laga dheehan karo in furiinka aan wax micno sidaasi u weyn ugu fadhin.
Dhibaatooyinka kale ee ay ragga garoobada qaba ama horey u soo guursaday sheegtaan ayaa waxaa ka mid ah,in dumarka garoobnimada lagu guursado ay ninkii horey u furay sheegto inuu marna niyadeeda ka go,in casharadii uu u soo dhigay taasoo niyad jab weyn ku keenta Saygeeda,
Hadaba markaan soo koobo maqaalkani oo aan ula dan laheyn inaan dhaleeceyn u jeediyo dumarka wanaagsan ee garoobada ayaa hadane waxaa jirta in ragg farabadan oo horey u guursaday garoobo qaarkood sheegaan haduusan calafka aheyn inuu ku deg degi laheyn guurkooda,
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment