Mataano Guurdoon Ah: ” Gabar Soo Codsatay Wiil Tilmaamahan Leh Aqriso Hadi Ad Kabixi Kartid

Bulsha:- Shankaroon Waxa ay kamid tahay Gabdhaha Soomaaliyeed kuwooda sida weyn ugu xiran Shabakada Caanka Ah Ee Shumis.net iyadoona codsatay wiil tilmaamahan leh si ay nolosha ugu midoobaan.

Shankaroon ayaa Dhanbaalkeeda quruxda badan ku bilaawday sidaan , Marka hore aadbaan idiin salaamayaa dhamaan howl wadeenada Shumis.net anigoona idinkaga mahad celinayo shaqada weyn eed bulshada u heysaan , 

waa markii iigu horeeysay ee hami iga galo inaan soo bandhigo Dareenkeyga mana moodo inaan wax xun sameenayo hadaan danaheyga ka hadlayo.

Marka xigta waxaan jeclahay inaan si sharaf leh u codsado wiil sifaadkaani leh kaasoona si xaqiiqo ah uga run sheegayo si aan waqti badan iskugu sii lumin.

Wiil Da’a diisu tahay 28-38 Sano heysta Shahaado Jaamacadeed waa in qofkaasi wax ka yaqaano nolosha qurbaha Ugu yaraan uu ku noolyahay 3 Sano Banaanka , waa inuu inbadan Aqoonta Diinta iyo tan maadiga ku fiicanyahay.

Hadii uu shuruudahaasi kooban soo buuxsho waxaan jeclaan lahaa inaan wada xariirno , uma ballan qaadi karo inaan dhaqsi ku midoobeyno balse waxaan waqti siin doonaa isfahanka , qodobadaas kuwa lamid ahna gaar ayeey isaga uyihiin inaan su’aalo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment