Bulsha:- Manisha Koirala, Tabu iyo Pooja Bedi waxay ka mid ahaayeen atariishooyinkii hogaaminayey Bollywood 1990meeyadii, waxay isla qaateen waqti iyagoo adduunka la wadaagay sawirro xusuus leh.
Si kastaba ha ahaatee, Manisha Koirala, Tabu iyo Pooja Bedi waxay xusuusiyeen atariishooyinka maanta hogaanka u haya Bollywood inay meel saari lahaayeen haddii ay shaashadaha kula soo laabtaan shaqadoodii joogtada aheyd.
Seddaxdoodu waxay ku kulmeen xaflad gaar ah oo loogu dabaaldegayey sannad guurada dhalasha gabadha looga dambeeyo naqshadeynta lebiska ee Ana Singh, waxaana xafladdaan sidoo kale lagu casuumay halyeeyga Bollywood Jackie Shroff.
Waxaana xusid mudan in maadaama lagu jiro waqtigii loogu dabaaldegayey ciidda Kirishtaanka ay israadsadeen dhammaantood si ay kulan taariikhi ah u yeeshaan.
Manisha iyo Tabu waxay ka mid ahaayeen atariishooyinkii ugu tayada badnaa Bollywood ee hogaaminayey 1990meeyadii, waxayna haatan u muuqdaan kuwo dhallinyaro ah. Sidoo kale xafladdaan waxaa joogtay xaaska Jackie ee Ayesha.
Waxaana intaas sii dheer inay kasoo qeybgaleen Pooja Bedi, Farah Khan Ali, Sangeeta Bijlani iyo Chunky Pandey. Laakiin sawirka ay sida wadajirka ah ugu jiraan Manisha, Tabu iyo Pooja Bedi ayaa ah midka degay quluubta taageereyaasha Bollywood.
Halkaan hoose ka daawo sawirradaan oo ay Manisha Koirala la wadaagtay macaamiisheeda Instagram.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment