IN dumarka la qanciyo miyay adagtahay?

Bulsha:- Dhawaan ayaa waxa la furay tukaanka raga wanaagsan si ay dumarku uga soo xushaan ninka ay rabaan. Tukaanka ayaa ah mid aad u wayn oo ka kooban 5 dabaq. Raga tukaanka ku jiraana waa ay kala heer sareeyaan. 
Dabaq walbana waxa ku qoran albaabka raga ku jira qiimaha ay leeyihiin. Sharciguna waxa uu dhigayaa hadii dumarku ka baxaan dabaq ayna dib ugu soo noqon doonin mar kale waligood.

Dabaqa koowaad 
Hababa maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa isa soo raacay dhowr hablood si ay tukaanka uga soo xushaan rag. 
Markii ay tukaankii yimaadeen ee la soo dhaweeyay ayaa waxa ay koreen dabaqii koowaad oo ay albaabkiisa ku qornatahay ” Raga shaqaysta ee caruurta jecel”. 
– Maxaa ka wanaagsan raga shaqaysta ee caruurta jecel.” Ayey yidhaahdeen hablihii. Laakiin bal aan eegno dabaqa labaad ayay ku heshiiyeen.

Dabaqa labaad 
Dabaqan ayaa albaabkiisa waxa ku qoran in ay ku jitraan ” Rag haysta shaqo fiican, caruurta jedcel oo qorux badan.” 
– Hmmm! Ayay yidhaahdeen hablihii. Bal ina keena ka kalena aan soo fiirinee! Ayay ku tashteen markana.

Dabaqa sedexaad 
Dabaqana albaabkiisa waxa ku qoran waxa ku jira halkan ” Rag shaqo fiican haysta, caruurta jecel, qurux badan oo caawiya dumarkooda” 
“Waa heer sare.” Ayay yidhaahdeen hablihii. Ina keena dabaqa afaraad ayaa ka sii fiican,e. Ayay hadana ku tashadeen. 

Dabaqa afaraad,Dabaqana albaabkiisa waxa ku dhegan erayadan "Raga haysta shaqo fiican, caruurta jecel, qurux badan, caawiyo dumarkood oo ah romantik ah." Inta ay aad u farxeen ayaa waxa ay yidhaahdeen: – Waxa aan u malaynaynaa in uu ka sare ka sii daran yahay ee ina keena! ayay go’aansadeen. Dabaqa 

shanaadAlbaabkiisa waxa ku dhegen "Qolkan waa madhan yahay oo waxa loogu tala galay in lagu muujiyo in ay adag tahay in dumarka la qanciyo." Meesha laga baxayaana waa dariishada, waxaan rajaynaynaa in aydin halkaa ka daadan .







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment