Bulsha:- Akshay Kumar xaaskiisa Twinkle Khanna waa qof ku caan baxday inay dadka caanka ah si kaftan ku dheehan wax kaga sheegto ayadoo adeegsaneyso maqaalkeeda todobaad laha ah.
Hadaba Twinkle Khanna markaan dabinkeeda waxaa kusoo dhacay Mega Star Salman Khan ayadoo si kaftan ku dheehan kaga hadashay sida uu guurka kaga daahay iyo doobnimadiisa.
Twinkle Khanna maqaalkeena sidaan ayuu u qornaa:
“Qofbaa doonayo inuu xulufo ka dhigto mid ka mid ah kuwa Hindiya ugu doobsan uguna da’da weyn, waa quruxlow, qudaar kaliya cuno, waa shaqsi guulo gaaray sidoo kalena leh murqo ahna wiil Khandani ah.
Aadbuu ugu wanaagsan yahay Dance-ga, matalaada iyo fanka qaybihiisa kale.
Gabadhaha waa inay qurxanaadaan, noqdaan kuwo dhuuban, sidoo kalena ay safarka dheer ku raaxeesan karaan, gabadha aroosadaha ah waa inaysan noqonin mid hadal badan waayo arooska uma dul qaadan karo baq baq badan, ma jirto shuruud diin iyo dhaqan la isku xiraayo.
La xariir Sultan@Bhaijaan.com”
Inkastoo Twinkle Khanna aysan sheegin magaca Salman Khan hadana waa iska cadahay inay isaga ka wado marba hadii ay tiri la xariir Sultan@Bhaijaan waana labadii filim ee Salman Khan sameeyay dhawaan sidoo kalena magacayadaas loogu yeerayay.
Tolow taageerayaasha Salman Khan maxay ugu soo jawaabi doonaan Twinkle Khanna…
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment