Bulsha:- Macaanto/macaane, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso/Gacliye i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey/Macaane Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.
Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey/Macanaae la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale.
Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay.
Adigana Macaaneey/Macaanoow waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin Macaanto dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono.
Inta Dumar/Rag filka’iyo Waxaad tahay Faceed tii u fiicneyd,Umaad dhalan Fudedd iyo Fowdo in aad Abuurtoo Faduul Aadmi maad baran,Fariidaan jaclaayey Fikradaada wacan iyo Fahmadaada Badanbaa Facaa aad ku dhaaftee Alle ii kaa Fayoobee Macaaneey/macaanoow.
Cishqibeygu fidayoo Feeraha dhexdoodiyo Halbowlaha ku faafee,Waxasina waxaa i garsiiyey Waa Codkaaga Dahabiga ah ee lagu laray Dareemihii Jaceylkeyga kii ugu badnaa,Marna ma moogaan karo codkaaga ,sidoo kale marna ma sugi karo inta aan ka helayo Qoraalkaaga iyo Sheekadaada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment