Bulsha:- Actarka caanka ah Brad Pitt ayaa sheegay in uu jacayl xad dhaaf ah u qabo Xaaskiisa Angelina Jolie oo ka mid ah Actarada ugu caansan Caalamka ee ka howlgala Shirkada aflaanta Hollywoodka.
Waxa uu sheegay xiddigaa caanka ah in xariirka kala dhaxeeya xaaskiisa yahay mid aad u wanaagsan waxa uuna meesha ka saaray in ay kala daaleen labada lamaane oo isku haya ku dhawaad shan caruur ah.
Xiddigta ayaa naaskeeda bidix waysay sanadkii hore kadib markii uu ka haleelay cudurka cancerka waxaana qaliin lagu sameeyay laga jaray naaska bidix haka kan midigna qayb laga qalay.
Hasayeeshee Xiddigtaa ayaa wali ka mid ah shaqsiyaadka aadka samaynta ugu leh caalamka waxa ayna ka mid tahay jilayaasha ugu caansan Caalamka kuwaas oo aad aduunka looga xiiseeyo.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment