Akhriso Hadad tahay qof jacayel hayo

Bulsha:- Akhriso Hadad tahay qof jacayel hayo Sariirta ayey dhinac kaga Fadhiday, isaguna markaas ayuu Guriga soo galay.Wuxuu Tukaday Laba Rakcadood oo Sunno ah. Markii uu ka baxay Salaadda, intuu kacay ayuu Dhinaceeda Fariistay.

Ka dib wuxuu la Booday Labadeeda Gacmood. 

Maxaad samaynaysaa? ayey ku tiri, Muusan jawaabin ee Hawshiisii ayuu iska watay. 

Faraha ku yaala Gacanteeda Midig ayuu sidaa u kala bixiyey. ka dib Xubnaha Faraha ayuu mid mid u Taabtay, Afkana wuxuu ka lahaa (Subxaanallaah, Alxamdulillaah, Allahu Akbar). 


Iyadoo sidii u yaaban, Wejigeedana Qosol Kalgacal ka muuqdo, ayey haddana tiri:- Maxaad samaynaysaa?. Intuu Cabbaar Wejigeeda si Dabacsan u eegay ayuu si degen ugu yiri:- Farahaaga ayaan ku Tasbiixsanayaa si Labadeenaba Ajir la inoogu Qoro.

Marka ay aragtay sida uu Wanaageeda Adduun iyo Aakhiraba uga Fikiraayo, ayaa Indhaheeda illin ka soo Daadatay. Halkaa Sujuuda ayey Dhunkasho Mac kaga siisay. Waxay ahayd Dhunkasho Illaahay uun Ogyahay meeshay ka soo go'day.
Maxaa ka Wanaagsan Kalgacalka Reerkaaga oo aad Gacantaada ku Abuurto?.
Wax yar oo aad samayso ayaad kufuran kartaa qalbiga xaaskaaga waligeedna aysan kugu hilmaamayn adunka inta ku wada noshahiin








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment