Bulsha:- Aabe ayaa la xiray kaas oo lagu eedeyay inuu dilay gabadhiisa taas oo isaga uur u laheyd xiliga uu dilaayay sidaas waxaa sheegay booliska wadanka Nigeria.
Booliska deegaanka Ekiti ayaa soo xiray nin 50 jir ah oo lagu magacaabo Williams kaas oo loo heysto inuu dilay gabadhiisa oo 14 jir aheyd kadibna uu xabaalay.
Waaxda dambi baaristu waxa ay sheegtay in Williams u ahaa xaasle kaas oo heystay 4 caruur ah iyo hooyadood sanado ka hor ,laakiin xaaskii iyo saddex caruur ah ayaa kaga tagay dhibaato uu isago sabab u ahaa.
Marki ay gabadhu 14 jirsatay dariska ayaa ogaaday iney uur leeday, si dhaqso leh waxaa ay uga shakiyen inuu aabaheed uureeyay oo ay isaga la seexatay madaama aaney wax wiil ah saaxiib la aheyn.
Markii Williams ay dad badan arintan weydiiyeen waa uu beeniyay.
Kadib waxaa uu dhowr jeer isku dayay inuu sumeeyo gabadha laakiin uma suurtoobin waxaana markii dambe uu ku dilay ceeji.
Williams ayaa meydka u qoday qabri gacmeed waxaana intii uu aasayay arkay dariskiisa kuwaas oo booliska war galiyay kadibna gacanta ayaa lagu dhigay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment