8 NOOC OO HAWEENKA KA MID AH OO RAGGA LOOGA DIGAY IN AANAY WALIGOOD U DHAWAAN NOLOLNA LA WADAAGIN!

Bulsha:- Khubarada arrimaha qoysku waxa ay mar walba ka hadlaan hab-dhaqanada iyo arrimaha la xidhiidha nolosha lammaanaha iyaga oo intaasi ku gud ajira daraasado la xidhiidha sidi baadhitaano qoto dheer loogu samayn lahaa dabciga, kala duwanaanshaha hab fikirka iyo guud ahaan waxyaabaha la xidhiidha nolosha aadamaha. Hadaba akhriste waxa aan halkan kuugu hayaa siddeed nooc oo haweenka ka mid ah oo ragga looga digay in ay nolosha la wadaagaan haddiiba ay haweenka ku arkaan ama ugu yaraan qaar ka mid ah ku arkaan. Siddeedan nooc waxa ay kala yihiin:

1. Haweenayda Haasaawaha Ragga Ku Talax Tagtay: waa aweenay shukaansi badan oo midkii ay aragtaba la qaadda iyada oo la sheekaysanaysa. Waxa ay aaminsan malaha qaaciidada hablaha soomaaliyeed qaarkood qabaan ee ah “Kunna la sheekayso Kawna ka raac”. Waxa la isku raacay in aanay habboonayn haweenayda ragga kal abadasha ee midba meel ku ballamisaa waana mid mudan in lag adheerado.

2. Haweenayda Mar Walba Fikir Khaldan Kaa Qaadata: mudada aad haweenayda sheeko wadaagta leedihiin ee aad ku jirtaan marxaladda haasaawaha waxa jira haween inta badan u fiirfiirsada dabicga ninka aadna u baadhbaadha arrimihiisa hoose iyada oo wax walba oo uu u sheego ama ay ka aragto u qaadata dhinaca xun ee taban (Nagative side). Tallaabooyinka aad qaadayso ee dhinaca go’aamada iyo xidhiidhka waxa ay mar walba u macnaysataa wax taban oo adag waxaanay jeceshahay in ay wax walba dhaliisho ama kugu diido oo six un u sawirato. Tanina meel kuum awaddo ee waligaa ka dheerow inta aydaan hoy isla gaadhin.

3. Haweenayda Muranka badan: mar kasta oo dood ama hadal idin dhex maro ama guud ahaan aad xaajo rogrogaysaan waa midda muran qayaxan uun la soo taagan. Waxa ay waxwalba ku qaabishaa in ay ka hor gayso hadal muran ah oo aan dhammaad lahayn. Ujeedada haweenka sidan dabcigoodu yahay waxa lagu sheegaa in ay ku badan tahay dabeecad ah in ay is muujiso oo marka keeb la yuurur ahaato iyada oo u haysata in ragga la isaga dhicin karo dabeecaddan.

4. Haweenayda Falanqaynta badan: wax walba waxa ay doontaa in ay faallo iyo lafa-gur ku samayso. Waxbaad u sheegaysaa waxaanay doonaysaa in ay sheekadaa baadhbaadho oo faallo dheer ka gasho oo hadalka kolba boqolaal nooc u kal asarrifto. Waa mid shaki badan oo waxa ay aragtaba donaysa in ay faallo ka bixiso. Xidhiidh wanaagsan lagama gaadho haweenay sida dabcigeedu yahay waxaana kugu waajib ah in aad geeddi dheer ka guurto goobta ay ka dhawdahay!!.

5. Haweenayda Khiyaamada badan: qof walba Ilaahay SWT waxa uu ku abuuray dabci iyo habdhaqan gooni ah. Khiyaamadu waxa ay ka mid tahay dabeecadaha ina Nabi Aadan Rag iyo dumarba in badan oo ka mid ah lagu abuuray. Haweenayda khiyaamada badan waligaa ka fogow. Waxa ay mar walba hoosta ku haysataa shirqoolo ay ku khiyaamaynayso ninka ay xidhiidka la leedahay. Dabeecaddan inta badan waxa ay haweenku la soo baxaan Guurka kadib waana dabeecad aad u xun oo guryaha baabiisa. Khiyaamadu way noocyo badan tahay halkana kuma soo wada koobi karno noocyadeeda iyo marxalamada ay marto.

6. Haweenayda Oohinta Badan: Waa haweenay mar walba oohin badan, dhabankeeda kama ba’do ilmadu waxaanay saaxiib u tahay calaacal, oohin iyo walaac joogto ah. Waxa ay saluugtaa dhammaan waxyaabaha la xidhiidha nolosheeda gaar ahaan iyada oo aan xammili Karin duruufaha nololeed ee qoysku waajahayo. Haddii ay ninkeeda kelmad yar isku seegaan waatii markaaba oohin af labadii qaylida iyada oo aad mooddo in geeleedii la dhacay. Haweenayda noocan oo kale ah ee calaacalka iyo oohinta badan lama jecla ragguna aadbay uga dheeraadaan.

7. Haweenayda Maalka Jecel: Inkata oo ay tahay Maal jacaylku caado iyo dhaqan ku abuuran aadamaha hadana waa lagu sii kala ba’an yahay waxaana jira haween aragtidu ay ka dhaxayso wax walbana ka hor mariya in ay Maal iyo lacag helaan. Haweenayda Lacagta ka daba dhacda waxa la ogaaday in aanay haysan Karin jacayl iyo nolol qoys oo badhaadhe ah oo ayku waarto waxaanay dareentaa mar walba cidhiidhi nafsi ah, illayn meel baa u muuqata oo nolol kale ma doonaysee. Haweenka Lacagta jecel waxa la ogaaday in aanay ku wanaagsanayn dhaqashada qoyska iyo reerkeeda waxaanay mar walba geed gaaban iyo mid dheerba ugu fadhidaa sidii ay lacag gacanta ugu dhigi lahayd taasina waxa ay aakhirka keentaa burbur. Ragga waxa lagula talinayaa in aanay u dhawaan haweenayda lacagta jecel waxaanu garan karaa in haweenaydani lacagta ku ibtilaysan tahay wakhtiga ay sheeko wadaagta yihiin ee is barashada iyo haasaawaha.

8. Haweenayda Hadalka Badan: Tani waa haweenayda ugu dambaysa ee siddeedaad ee nooceeda oo kale ragga looga digayo in ay nolol la wadaagaan. Waa haweenayda hadalka badan ee afar iyo labaatanka saacadoodba dhurmaysa wax ay ka sheekaynaysana aan la garanayn. Waxa ay gurigeeda iyo baylahdeeda ka door biddaa in ay qabsato wareeg iyo sheeko dumar. Mar walba waxa ay waddaa hadal aan macno lahayn iyo sheeko dheer. Hadal badnaan badan ayay ku caan tahay waxaanay saacadaad aragtaba ku guda jirtaa hadal badan iyo sheeko aan xad lahayn. Haween badani waxa ay leeyihiin caadadan waxaana la isugu tilmaamaa heblaayo waa mid hadal badan. 
Haweenayda hadalka badan waxa la ogaaday in aanay maskax ahaan dhammayn. Waxa kale oo hadalka badani saamyn ku leeyahay waxqabadkeedii qoysnimo waana haweenay mudayac ah inta badan. Reerkeedii oo baylahsan ayay sheeko haween ku jirtaa. Wakhti ay soo shirinayso iyo wakhti ay u wareegayso reer xaqanaas. Waligaa ha u dhawaan haweenayda hadalka badan. Dhaqan ahaan dadyowga dunida ku nooli waxa ay ku kala duwan yihiin dhinaca hadal badnaanta. Daraasad arrintan laga sameeyey waxa lagu ogaaday in dadka dunidu necebyihiinhadalka badan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment