Bulsha:- Kusoo dhawaada qaybta labaad ee aan kaga hadleyno marka ay dhacday in atirishooyinka Bollywood-ka ay ka guursadeen ragg ay ka caansan yihiin:
5. Shilpa Shetty Kundra: xidigtaan iyada ayaa ka caansan seygeeda British Indian sidoo kalena hantiile ah Raj Kundra, laakiin waxaa loogu yeeraa “Shilpa Shetty seygeeda”.
6. Raveena Tandon Thadani: atirishadan caanka ah waxay guursatay Anil Thadani oo ah shaqsi cajaladaha filimada Hindiga ah qeybiyo.
raveena-tandon-ail
Raveena iyadaa in badan seygeeda ka caansan inkastoo ay nolol farxad leh ku nool yihiin.
7. Diya Mirza: quruxleydaan Bollywood-ka laga wada jecel yahay waxay guursatay wiilka ay dooratay Sahil Sangha ee aan wax badan laga aqoonin.
diya-mirza-wdd
Sidaa darteed Diya Mirz in badan iyada ka caansan seygeeda Sahil Sangha oo ay haatan farxad ku wada nool yihiin sida marwalbo ay bulshada u muujiyaan.
8. Farah Khan: gabadhaan filimada sameyso sidoo kalena cayaarta Dance-ga diyaariso siweyn ayay kaga caansan tahay seygeeda Shirish Kunder.
Farah waxay Director ka noqotay filimo hirgaleen sida Main Hoo Na, Om Shanti Om iyo Happy New Year halka seygeeda Shirish Kunder uu isagana Director ka noqday labo filim oo la iska hilmaamay Jaanemann iyo Joker.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment