Waa Ku Dhalee Isoo Raac Ma Jirto: 10-Jilaa Oo Ku Fashilmeen Inay Sida Waalidkooda Oo Kale Bollywood-ka Saameyn Xoogan Ku Yeeshaan

Bulsha:- badan waxaa la aaminsan yahay shaqsi caan ah oo Bollywood-ka ka tirsan caruurtiisa marka ay fanka kusoo biiraan inay iyaga isla wadada waalidkooda mari karaan.

Balse waxaan idiin heynaa 10-jilaa oo Bollywood-ka ku hungoobeen inay saameyn ku yeeshaan balse waalidkooda fanka Hindiya magac balaaran iyo maqaam sare ka gaareen.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada 10-ka jilaa ee ku guul dareesteen inay sida waalidkooda oo kale fanka saameyn lixaad leh ku yeeshaan sidoo kalena calankooda dhacay:

10. Uday Chopra: waxaa aabo u ah Yash Chopra filim sameeyaha Hindiya ugu magaca weyn uguna guulaha badan balse Yash sanadii 2012 ayuu geeriyooday.


9. Mahakshay (Mimoh) Chakraborty: waxaa aabo u ah Super Star Mithun Chakraborty oo magaciisa caalamka ku baahay waqti wacana Bollywood-ka kusoo qaatay.


8. Tanisha Mukherjee: hooyadeed waa Tanuja oo barisamaadkii Bollywood-ka heysan jirtay sidoo kalena walaasheed waa Kajol oo Bollywood-ka awood balaaran ku leh.


7. Esha Deol: waxaa waalid u ah labadii Bollywood-ka hormuud u ahaayeen 70-kii iyo 80-kii Dharmendra iyo Hema Malini ilaa haatana la wada jecel yahay.



6. Herman Baweja: waxaa aabo u ah filim sameeyaha caanka ah ee 90-kii Bollywood-ka ka dhex muuqday Harry Baweja laakiin wadada aabihiis ma marin markii uu noqday jilaa.



5. Adhyayan Suman: waxaa aabo u ah ninka caanka ah Shekhar Suman ee ah jilaa, mada daaliye iyo shaqsi barnaamijyada TV-yada ka baxaan sameeyo laakiin wiilkan aabihiis ma gaarin mana gaari doono.


4. Jackky Bhagnani: waxaa aabo u ah filim qarash gareeyaha Bollywood-ka maqaamka sare ka gaaray Vashu Bhagnani laakiin wiilkan masii socon karo.

3. Sikander Kher: marnaba ma gaari karo aabihiis Anupam Kher jilaaga door walbo matali karo sidoo kalena hooyadiis Kirron Kher oo iyadana Bollywood-ka caan ka ah ma gaari karo sida darteed wiilkan magaciisa dhulka ayuu galay.


2. Fardeen Khan: waa xidig iska dhex dhexaad ah laakiin dhaxalka aabihiis ma gaari karo waayo aabihiis Feroz Khan in ka badan 40-sano ayuu Bollywood-ka siweyn uga dhex muuqday.


1. Luv Sinha: aabihiis waa ruug cadaa Shatrughan Sinha oo Bollywood-ka laga dambeyn jiray 70-kii iyo 80-kii halka walaashiis Sonakshi Sinha iyadana xiligaan ay tahay atirisho isku filan oo caan ah, laakiin wiilkan wuu socon waayay calankiisana wuu dhacay wuxuuna sanadii 2010 sameeyay filimka la iska hilmaamay Sadiyan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment