Bulsha:- Haweenay Carmal ayaa Go’aan ku gaadhay in ay xafladda Aqal-galkeeda labaad ku beegto isla habeenka uu aqal galayay ninkii ay hore u kala tageen iyada oo waliba isla Huteelka ninkaasi xafladda loogu qabanayay ka kiraysatay Hoolkii ku dhegsanaa ka uu xafladda ku lahaa.
Haweenaydan oo u dhalatay wadanka Sucuudiga ayaa la sheegay in ay farxaddii Arooskeeda ku soo beegtay xafladda Aqal-gal oo uu lahaa ninkii ay hore u kala tageen waxaana la wariyay in labadaa xafladood isla saacado iyo habeen kali ah ka wada dhaceen Laba hool oo ku wada yaalla Huteel kali ah magaalada Riyaad ee waddanka Sucuudi Carabiya.
Wargeyska Al-Marsad oo arrintan xiisaha leh wax ka qoray ayaa sheegaya in Haweenaydan oo lagu magacaabo Xayfa ay arrimo Guur dhawr jeer loola yimid ay diidday iyada oo rajo weyn ka qabtay in ay dib isugu soo noqon doonaan saygeedii hore ee ay kala tageen muddo haatan laga joogo saddex sanadood.
Xayfa waxa soo doonay tiraba dhawr nin kuwaasi oo dhammaantood diidday iyada oo mar walba rajo weyn ka qabtay in ay ninkeedii hore isku soo laaban doonaan (Rajactu) balse waxa nasiib darradii ugu weynayd ku habsatay haweenaydan oo ay aad uga xumaatay kadib markii ninkeedii hore soo doonay oo u soo geed fadhiistay haweenay ay iyada qaraabo dhaw yihiin arrintaasi oo cadho aad u badan galisay.
Xayfa, haweenaydan Carmasha ahi waxa ay si degdeg ah go’aan ugu gaadhay in ay ku noqoto oo baadi goobto nin ay tiraba dhawr jeer ka diiday oo arrin guur la soo qaaday waxaanay ninkaasi ku war gelisay in ay hal shardi ku xidhayso guur ay la wadaagto ninkaasi oo la sheegay in uu haweenaydan aad u jeclaa.
Ninkii ayaa waydiiyay shardiga ay ku xidhayso ogolaanshaha guurkeeda waxaanay u sheegtay in xafladda arooskooda ay ku beegan isla habeenka uu ninkeedii hore aqal galayo iyo isla huteelka ay ku aqal galayaan.
Sidaasaanay ku qabsatay xafladdii Arooskeeda iyada oo loogu damaashaaday Hoolka ku xiga hoolka ay ka socotay xaflada arooska saygeedi hore waxaanu wargeyska arrintan wax ka qoray sheegayaa in haweenkii labadan dhinac ka wada socday ay si weyn isha ugu hayeen dareenka caadifadeed ee goobta ka taagan waxaana marar dhawr ah dhacday in si dirqi ah lagu kala badbaadiyey labada kooxood ee haweenka ahaa ee ku kala sugnaa labadan xafladood ee iska garab socday.
Wargeysku waxa uu sheegayaa in haweenaydan ka dambaysay in labada aroos isla goob ka wada dhacaan ay haween badan oo asaxaabteeda ah oo arooskeeda joogay ka codsatay in ay weerar ku qaadaan xafladda arooska kale balse taasi ay gaashaanka u daruureen ilaaladii Huteelka xafladahani ka dhacayeen oo lagu war geliyay xamaasadda iyo xiisadda colaadeed ee aroosyadan u dhaxaysa kuwaasi oo ku guulaystay in ay aroosyadan soo gabagabeeyaan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment