Haweeney Aad U Qeylisa Xiliga Galmada Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Ay Darisku Ka Jiifan Waayeen

Bulsha:- Gabar kasoo jeeda gobalka Pennsylvania ayaa la xiray oo xabsiga loo taxaabay kadib markii ay mudo labo sano ah dhibaato ku qabeen dariskeeda markii ay galmo sameyneyso.

Amanda Marie Warfel ayaa la maxkamadeeyay markii ay dariskeedu dacwo ka keeneen kuwaas sheegay iney aad u dhawaaqdo xiliyada ay galamada ku jirto waxaana lagu eedeyay iney mararka qaar nolol la qaadato koox niman ah.

Tanya Saylor ayaa wacday booliska waxaana ay u sheegtay in guriga ay jiifato ay dhibaato ku qabto habeenkii iyadoo gabadha ay dariska yihiin ku eedeeysay mid aan aamusi Karin.

Saylor ayaa saxaafada u sheegtay iney la hadashay Warfel inta aaney dacweynin iyadoo ka codsatay iney codka gaabiso xiliga galmada madaama ay gabadheda yar ay iskuul aado aroortii.

Waxaa ay hooyadaan sheegtay in shan codsi oo ay u gudbisay gabadhaan habeenkii dareenkeedu ka qeylisiiyo in dhamaan aaney waxba ka hagaagin.

Booliska ayaa xiray gabadhaan waxana lagu xakumay labo bilood oo xarig ah markii ay qiratay dambiga lagu soo eedeyay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment