Soomaali watay lacago Been abuur ah oo lagu qabtay Garoonka Jomo Kenyatta

Bulsha:- Khamiistii lasoo dhaafay ayaa maamulka Canshuuraa Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxeey qabteen nin Somali-Norwegian ah oo watay Lacag  EURO been abuur ah.

Sida uu daabacay wargeyska The Standard ninkan Soomaaliga ah ee lagu qabtay lacagta been abuurka, ayaa waxaa lagu magacaabaa Mohamed Hassan, waxaana uu doonayay in lacagta uu la raaco Diyaarad kusii jeeday Dubai.

Lacagta ayaa la sheegay in lagu soo tolay Saraawiil farabadan oo lagu soo riseeyay 2 Boorso oo uu watay.


Madaxa Canshuuraha iyo Kontoroolka Xuduudaha ee dalka Kenya, Julius Musyoki ayaa sheegay inay xog dhinaca Sirdoonka ku heleen inay jiraan 2 nin oo doonaya inay si xeelladaysan kaga gudbaan Ilinka 7-aad ee Garoonka JKIA abaarihii 10:30 Fiidnimo ee bishan October 27-dii.

Waxa uu intaasi ku daray inay 25 Xirmo oo Saraawiil ah ka heleen 178 Lacag Warqad ah (Notes), oo midiiba tahay 500 Euro.

Waaxda Duullimaadka Diyaaradaha ee JKIA ayaa laga soo dheehday Tikidhka ay jarteen Labada Eedeysane, iyadoo uu Wargeyska The Standard qoray inuu qorshahoodu ahaa inay bishan Oct. 27)-dii tagaan Dubai, kadibna ay bishan (Oct. 31)-da oo maanta ah ku soo laabtaan Nairobi.
Waxaa kaloo u jarnaa Tikidh Nairobi-Muqdisho, iyagoo maalinta Arbacadda ee soo socota (November 2)-da u dhoofi lahaayeen magaalladda Muqdisho.

Xigasho: The Standard







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment