Haweeneey aan aqoon lahayn oo soo saartay Daawada Malaariyada


Bulsha:- Hawweneey lagu magacaabo Tú Yōuyōu waxa ay u dhalatay dalka Shiinaha waxaana ay isku dayday in ay daawada Duumada ama Malaariyada ka soo iqtiraacday Daawo ah hab-dhaqameed duug ah oo dalkeeda laga soo isticmaalayay muddo gaaraysa kun iyo lix boqol oo sanadood, iyadoo ugu dambeyntiina ku guulaysatay, taasoo ah la yaabka Marwo Tú ma laha aqoon jaamaceed oo caafimaad ah, waxaana la sheegayaa in aysan lahayn aqoon heer Jaamacadeed ah ee dhinaca Caafimaadka lagana isticmaalayay Caalamka muddo 40 sanadood ah Daawo ay samaysay.

Daawada ay samaysay ayaa lagu magacaabaa Qinghaosu (sidoo kalane loo yaqaan artemisinin) iyo dihydroartemisinin oo wax ka taray xannuunkii Malaariyada, taasoo la adeegsanayay ku dhawaad 40 sano hal-abuurkeedii lagulana tacaalay in ka badan 6 milyan oo kiis ayaa sanadkii 2015-kii la guddoonsiiyay abaalmarinta Nobeelka ee dhinaca Caafimaadka, iyadoo oo da’deeda 85-aad madaxa la gashay.

Arrintaasi ama dhacdadaasi ayaa micno gaar ah ii samaysay, Waxaana ay muujinaysaa in si qofi ugu guulaysto hawl uu u dhaqaaqay, islamarkaana aanay muhiim aheyn aqoon danbeed/aqoon dugsiyeed, ‘Educational background’, balse go’aan, isku-day, karti, ku-celcelin iyo adkaysi haddii uu la yimaaddo uu muran li’i hantiyi doono natiijada rasmiga ah.

Haweeneeydaasi u dhalatay Dalka Shiinaha ayaa yaab ku riday Culumada Cilmi Sayniska aadka ugu xeeldheereed,taasoo ay kaga yaabsatay sida ay u soo saaratay Daawada lagula tacaalo cudurka ay keento Kaneecadu ee loo yaqaan Duumada ama Malaariyada iyo waliba iyadoo ah qof aad u da’ weyn.


Xigasho: Sonna







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment