Bulsha:- Laacibkaan France ayaa lacag fara badan ugu soo gurya noqday halkii uu ku qaatay waqtigii koobnaa, balse isku dhacdii Ferguson uu kaga tagay.
Macalinka ay isku dalka ka soo jeedaan Pogba ee maamula Arsenal Wenger ayaa isku dayay inuu la soo wareego Pogba markii uu ka tagayay garoonka
Arsene Wenger ayaa isha ku haayay da’yarkaas wuxuuna doonayay inuu u soo saaro sida uu ugu guuleystay Cesc Fabregas, Hector Bellerin iyo kuwa badan uu ka mid yahay Alex Iwobi.
Paul Pogba wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda uu ku guul dareystay Wenger waxaase si xur ah ku fasaxay Manchester United oo dib ugu soo iibsatay £89milyan.
Pogba ayaa wali looga fadhiyaa inuu si weyn isku muujiyo isla markaana uu noqdo Hogaaminaya man United sida Cristiano Ronaldo, muhiimad gaar ah ayuuna ugu fadhiyaa kulanka Galabta kooxdiisa la balansan tahay Arsenal.
Pogba ayaa laga xiiseynaayay Arsenal tan iyo maalmihiisa kooxda France ee Le Havre, Balse Wenger ayay ku adkaaray inuu Sir Alex Ferguson sanadkii 2009 ka dulqaado.
Macalinka Arsenal ayaa mar sii horeysay wax laga weydiiyay isku dayga uu ku doonayay Pogba waxaana uu yiri
“Wax si dhaqso ah ayay ku dhaceen waan xiiseyneynay,” Wenger ayaa hadalkaas yiri sanadkii 2014. “Waxaan isku datynay inaan helno laakiin Juventus ayuu dhaqso u saxiixay.”
Ferguson go’ankaa uu ugu ogolaaday Pogba inuu ka tago United waa mid ka mid ah go’aamada uu ka shalaayay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment