Bulsha:- Inkastoo aan loogu yeerin xulka Faransiiska Samir Nasri hadana waxaa uu qeyb ka ahaa dadkii daawanayay kulamadii isreeb reebka koobka aduunka ee ay ciyaarayeen xulkiisa.
Sevilla xiddigeeda oo u waramayay muqaal baahiye laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa sheegay in macalinka Pep Guardiola uu dhaqan ka dhigtay in xiddigaha Manchester City ay galmo aadaan marka la gaaro saqda dhexe ee habeenkii, balse Sky Blue macalinkeeda ayaa si dabacsan uga jawaabay hadalka Samir Nasri.
Macalinka kasoo jeedaa Catalan ayaa sheegay in uu diiday sheegashada Nasri isagoo dhanka kale shaaca ka qaaday in xiddigii hore ee Arsenal uu ku qosli jiray shirka jaraa’id ee kooxda.
“waa wax aan macquul ahayn in uu ciyaaro kubad wanaagsan qof aan xaaskiisa u galmoon, waligay ma sameyn sharcigaas, mana dhici doonto, kumana ciqaabin, hadii uu wax wanagsan sameyn waayay waxaa jooga xiddigo kale,” ayuu Pep Guardiola u sheegay Sport oo sheekadan qortay.
Sidoo kale Faransiiska xiddigooda heerka caalami ayaa sheegay in Bayern Munich macalinkoodii hore Pep Guardiola uu mar waliba xiddigaha City ku qasbi jiray in ay raacaan tabta ay u ciyaaraan xiddigaha Lionel Messi iyo Robert Lewandowski oo uu horey usoo wadda maamulay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment