Bulsha:- Bollywood King Khan iyo Bollywood Super Hero markale baraha bulshada ayay isku dhaafsadeen wada shakeysi muujinaayo in saaxiibtinimo adag ka dhaxeyso.
Inkastoo Hrithik Roshan filimkiisa Kaabil iyo SRK filimkiisa Raees tiyaatarada la wada saari doono 26-ka bisha Janaayo 2017 hadana labadaan Super Star dan heelo arinkaas kama lahan.
Hrithik Roshan shirkadiisa dharka iyo qalabka Sports soo saarto HRX ayaa u dabaal dageyso mudo sedex sano ah jiritaankeeda.
Wuxuuna Hrithik baraha bulshada soo dhigay qoraalkan “Sedex sano ayaa kasoo wareegatay markii aan hirgalay HRX, waan ku faani karaa kooxdeyda shaqada ay qabteen iyo sida ay dadka ugu dhiiri galiyaan inay jirdkooda dhistaan”
SRK ayaa saaxiibkiis Hrithik Roshan u hambaleeyay wuxuuna yiri “Saaxiibkeyd HR waan jeclahay runtii HRX iyo kooxdaada shaqada wacan oo ay hayaan”
“Waan ka helay sida aad dadka u dhiiri galisaan idinkoo adeegsanayo xarag jiid, dabaal, bootin”
“Waxaan jeclaan lahaa sida adigoo kale (Hrithik Rosha) inaan u noqdo qof diyaarsan jir ahaan!”
Waxaan kasii jeclaan laheyn in labadaan Super Star xushmada weyn isku hayaan inay wada shaqeeyaan

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment