Sababta Uu Filimsameeye Kasta Ugu Riyoodo Shah Rukh Khan oo Hadda la Ogaaday

Bulsha:- Gabadha lagu magacaabo Gauri Shinde, taasoo Director ka ahed filima labaad ee Shah Rukh Khan ee Dear Zindagi, ayaa waxay daaha ka qaaday inay horeba u jecleyd inay ku lug yeelato filim uu hogaamiye ka yahay SRK.

Si kastaba ha ahaatee, Gauri Shinde oo ku tilmaantay Shah Rukh Khan inuu yahay atooraha uu ku riyoodo Director kasta inuu filimkiisa u dhiibto ayaa daaha ka qaaday inay filimkaan isla eegeen iyada iyo SRK ka hor inta aan duubistiisa la bilaabin.
Gauri ayaa u sheegtay PTI: “Kulan ayaan yeelanay ka dibna waxaan si wadajir ah u akhrinay qisada filimkaan ka hor inta aanan duubistiisa bilaabin. Aniga iyo Alia Bhatt waxaan la yaabnay shaqada Shah Rukh Khan isla maalintii koowaad ee duubista filimkaan. Sidoo kale jilliinka wadareed ee Shah Rukh Khan iyo Alia wuxuu ahaa mid cajiib ah.
“Shaqsi aan SRK waa mid cajiib ah, ma ahan shaqsi isla weyn oo ku dhahaya waxaan ahay xiddig weyn oo Bollywood ah keliya wuxuu ku tusinayaa inuu yahay jillaa wuxuuna bannaanka soo dhigayaa qaab jilliinkiisa ugu fiican taas ayaana caawisay guud ahaan dadka ka shaqeeyey filimka Dear Zindagi.”







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment