Ragga Tilmaamahaan Leh Waa Riyada Haween Waliba "Ninka Kulansado Qodobadan Hoos Ku Xusan Waa Wiilkii Riyada"

Bulsha:- ayaa ku siineysa tilmaan ay aad haweeneyda uga raadiso ninka ay nolosha la wadaageyso hadaba talooyinkaan qaado .
* Tix Gilinta Ehelkeeda Iyo Asxaabteeda : haweeneyda aad ayay uga heshaa ninka tix giliya qoyskeeda iyo asxaabteeda .

* Ninka Dhageysta : Tix gilin weyn ayay siisaa ninka dhageysta dhibaatooyinkeeda isla markaana fahmaya .

* Oofinta : Ninka balan oofinta badan waa tillmaanta haweeney waliba ay raadineyso .

* Saraaxadda : sidoo kale ninka sida saraaxadda u hadla waxna ugu sheega waa ay adaga tahay in qalbigeeda ka xerato oo kalsooni ayay ku qabtaa.
* Aaabo Wanaagsan : aad ayuu u soo jiitaa ninka sida weyn uga ciyaara doorka aabo nimo.

* Romantic Iyo Akhlaaq Wanaagsan: waa tiir ka mid ah tiirarka uu qoyska ku tiirsan yahay , haddii Romantic iyo akhlaaq la isku helo lagama yaabo in shumaca jaceylka uu damo .

* Ninka Aragtida Fog : haweenka waxa ay aad uga helaan ninka leh aragtida fog kuna wanaagsan kaftanka balse aan aheyn mid waali oo ka bad badis ah .
* Aqoon Iyo Caqli Fog : waa tilmaan ay haweeneyda ka jecashahay in ay ka hesho qofka ay nolosha la wadaageyso .

* Taageerid: waxa ay haweeneyda raadineysaa oo dooneysa in ay ka hesho ninka ay nolosha la wadageyso taageero iyo qadarin maxaan yeelay waxa ay ku dareemeysaa xasilooni .
* Kalsooni Iyo Awood Shaqsiyadeed : Isku kalsoonaanta waxa ay qofka ka yeeshaa mid adag , waana tilmaan ay haweeneyda u xaqiijineysaa in ay awooddo in ay ku kalsoonaanyo ninkeeda iyo dhamaan go`aanadiisa .







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment