Bulsha:- Helan Andre oo 82 sano jir iyo Daby Moakes oo 86 sano jir ah ayaa is aroosay ka dib markii ay dib isku heleen 65 sano ka hor guuldaradii ku timid in ay xilligaas isguursadaan.
Helen & Andre ayaa qorshuhu ahaa inay is aroosaan sanadkii 1951, laakiin khilaaf xagga qoyska ayaa keenay in uu burburo isu doonistoodii aynna kala irdhoobaan.
Lamaanaha oo ka soo jeeda deegaanka Derbyshire ee England waxaa inay dib u midoobaan ka shaqeysay gabar ay dhashay Ms Andre oo lagu magacaabo Debbie Williams, taas oo baadi goobtay Mr Moakes iyadoo sheegtay in lamaanuhu si waalli ah isku jecelyihiin ka dib u midoobidooddii.
Waxay sheegtay in markii hore ay kala tageen ka dib waalidka hooyadeed oo guurka aan aqbalin taas oo ay sabab uga dhigeen shaqaada Mr Moakes oo ahayd farshaxan.
“Xiligaas 1950-meeyadii [inaad ahaataa farshaxantiiste ] waxay ahayd mid aannay u tixigalin shaqo u wanaagsan wiilka mustaqbalka ay u noqonnayaan soddog ama soddoh” ayay tiri
“Taasi waxay jabisay qalbiga labadoodda, waayo waagaas waxay ahayd inaad samaysaa wixii laguu sheego” ayay sii raacisay
Ms Williams waxay sheegtay in hooyadeed markii ay sadex jeer garoob noqotay ka dib ay go’aansatay inay baadi goobto Moakes.
Waxay tiri: “Way sheekaysteen, waxaynna dib u cusboonaysiiyeen xiriirkoodii, ugu dambeynna si waalli ah ayay jacay isugu qaadeen, aad ayaan ugu faraxsanahay iyagga”.
Lamaanaha waxay soo mareen 5 xiriir oo kala duwan oo ay la lahaayeen lamaanayaal kale.
Mr Moakes ayaa yiri: “Haddii uu jiro jacayl aad qof u haysaa sida kan aan isu haynno waligiis mid guura ma noqdo”.
Mrs Moakes-da cusub waxay tiri “Nolashayda oo dhan waan jeclaa isaga, farxadayddu way badan tahay,ugu dambayn waynnu is helnay”
Lamaanaha oo ka soo jeeda deegaanka Derbyshire ee England waxay jimcadii ay guurkooda ka diiwaan galiyeen xafiiska diiwaan galinta ee deegaanka Ripley ee Derbyshire.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment