Bulsha:- Guurku waxa uu ka mid yahay astaamaha waawayn ee tusiya ILaahay jiritaankiisa kelinimadiisa deeqtoonaantiisa iyo baahida ay qabaan wax isaga ka soo haray oo idil, waxaana taa fahmi kara indhagaraadka oo kaliyah.
Guurku waa gallad kamid ah galladaha ilaah ku galadaystay noolaha dhamaantii marka laga reebo malaa´ikta wuxu yiri inbul-jawzi (RC): Xuska ilaahay ka dib wax la macaansado waxa ugu macaan badan galmo xalaal ah. Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in aynu ku mahadino maalin iyo hebeen ilaahayga ina siiyaya gallada guurka.
Guurku waa cibaado gaar ah ninkii u niyesta inuu naftiisa iyo xaaskiisa xumaan kaga ilaaliyo isla markaana ka dhigta sabab ilaahay dhabarkiisa kaga soo saaro ubad Eebe caabuda. Waxaa taa inoo cadeenaya xadiiskii nabigeena suubanaa (SCW) ka sugnaaday oo macnihiisu ahaa Saddaqo ayeey u tahay ninkii xalaal ugu galmooda xaaskiisa:
waxa wariyey muslim
FAA IDOOYINKA GUURKA
Guurku waxa uu leeyaahy shan faa,iido oo kala ah
1: Ubad kaa hara fa idooyinka guurka tan ugu horaysa waa sidii lagu heli lahaa ubad si aanay tafiirta dadku u dabar go,in
2: Dhufays aad ka gashid shaydaanka Guurku waxa uu ka ooda meluhu shaydaanku ka soo galayay, mar haddey wuxuu xaaraan kuu raadi kuu lahaa rugtaada ku yaalaan iyagoo xalaal ah
Qofku hadaanu eebe ka cabsi iyo iimaan ku habsaamayn rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca hadii markaasi aanu helin guur xalaal ah siduu danbi isaga ilaaliyaa way adag tahay.
3: Qalbigoo ku daga iyo laabtoo kuu qabawda shaqo tay naftu u jeceshahay hadaan loo helin waqti nasasho waa lagu daalayaa dabateena la iska daynayaa Hadaba maxaad ka oran lahayd haddey shaqadaasi tahay Taqwada Eebe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaada alle iyo camalka aduunyo waxaa haboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo si qalbigu ugu dego laabtu u qabawdo firfircoonaanna uga qaado.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment