Maxay Priyanka Chopra ugu jawaabtey Hooyadeed, markii ay weydiisey xilliga ay guursaneyso.

Bulsha:- Priyanka Chopra ayaa ku jirta waqti ay si aad ah ugu riyaaqeyso, mana dooneyso inay guursato waqtigaan sababta ugu weyn ayaana lagu sheegay in Priyanka Chopra aysan guurka u arkin mid farxad siin kara.

Hooyada dhashay Priyanka ee lagu magacaabo Madhu Chopra ayaana weydiisay gabadheeda waqtiga ay guursan doonto. Hubanti waxaa ah Madhu Chopra waxay uga walwalsan tahay guurka gabadheeda Priyanka, sida waalid kasta oo Hindi ah uu uga walwalo guurka gabadhiisa, laakiin waxay daaha ka qaaday inay ku qanacday jawaabtii ay ka heshay gabadheeda Priyanka.

Madhu Chopra oo wareysi siisay Rediff ayaa laga soo xigtay: “Priyanka waxay igu qancisay inay haatan ku jirto waqti ay si aad ah ugu faraxsan tahay isla markaana ay nolosha ka joogto heer ay si aad ah ugu faraxsan tahay.

“Waxay i weydiisay haddii aan ka murugsanahay sababta aysan u guursan. Waxaana u sheegay in aanan ka murugsaneyn. Ka dibna waxay igu dhahday ‘Waqtigeeda ayaan guursan doonaa, marka ii dhaaf go’aanka guurka aniga ayaa gaaraya’. Sidaas darted haatan ma qabo wax walwal ah.”

Priyanka ayaa markasta ah shaqsi si aad ah ugu dhow aabeheed. Balse waxaa xusid mudan inuu xiriir saaxiibnimo oo kale kala dhexeeyo hooyadeed. Madhu Chopra ayaana waxaa ay xubin muhiim ah ka tahay shirkadda Priyanka ee Purple Pebble Productions.
34 sanno jirtaan ayaa haatan ku mashquulsan shaqadeeda Hollywood, waxayna ku mashquulsan tahay duubista filimkeeda Baywatch ee ay la waddo Dwayne Johnson, si la mid ah musasalkeeda Quantico ee ka baxa hillinka ABC.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment