Hurdo la’aanta Maxaa laga dhaxlaa?

Bulsha:- Haddii aad kamid ah dadka soo jeedo ilaa habeenkii waqti dambe, oo aadna subixii hal saac soo kacdo si aad shaqadaada u aado, dhab ahaantii adiga maadan helin hurdo kugu filan.

Dadka waaweyn waxay ugu yaraan u baahan yihiin inay hurdo helaan 7-9 saacadood, halka dadka dhalinyarada ah looga baahan yahay inuu helo 8-10 saacadood, carruurtana waxaa lama huraan ah inay helaan 11-14 saacadood oo hurdo ah, sedexdaas dabaqad midkii aad ka mid tahayba haddii aadan intaas helin noloshaada way wareereysaa.

Haddaba qofka aan helin hurdo ku filan waxaa ku dhici doono waxyaabaha soo socoda:

Inuu Dareemo Baahi Badan
Waxaa lagu ogaaday daraasad ay sameysay Uppsala University in haddii uu qofka miisaankiisu caadiga yahay hal habeen oo hurdo la,aan ah ku dhacdo inay taas sabab u noqon doonto inuu siyaado rabitaanka cuntada taasoo keeneyso inaad si caafimaad darro ah ugu xad gudubto cunista raashinka.

Qofka aan hurdin hurdo ku filan waxay saameneysaa hormoonada baahida iyo dharagta kuwaasoo oo kala ah: Ghrelin Hormone. Leptin Hormone, ogow hormoonka Ghrelin wuxuu jirkaaga u sheegayaa in la joogo xiligii raashinka marka aadan helin hurdo kugu filan, halka uu hoos u dhigayo Hormoonka Leptin kaasoo mas,uul ka ah inuu jirka dareemo dharag waxayna sababeysaa inaad iska wado raashin cunis.

Saameyn Xagga Maqaarka Ah
Marka aadan helin hurdo kugu filan, wuxuu maqaarkaaga la kulmayaa saameyn aan fiicneyn, wuxuu maqaarkaaga noqonayaa mid laab laabyo yeesho, iyo inay madoobaadaan hareeraha indhaha.

Go,aan Qaadashada

Marka aadan helin hurdo kugu filan, waxay maskaxdaada qaadan doontaa tallaabooyin aan fiicneyn, maadaama ay hurdo la,aanta dhibaato ku tahay halka go,aanka laga qaato .

Haddaba haddi aad aragto qof markasta qaadanayo go,aan aan wanaagsaneyn ma helo hurdo ku filan.


Halista Murugada

Hurdo la,aanta waxay aad kuugu dhaweeneysaa murugada, baaritaan laga sameeyey Dalka America Sanadkii 2007 ayaa lagu ogaaday inta badan dadka murugada heyso inay sabab u tahay hurdo la,aanta, waxaan cilmi baaristaan lagu sameeyey ilaa 1000 qof oo murugeysan, markii dib loo wada baarana waxaa la ogaaday inaysan dhammaantood helin huro ku filan.

Cadaadiska Dhigga Oo Sare u kaca
Haddii aad tahay qof markasta aanan helin ugu yaraan habeenkii 6 saac oo hurdo ah, waxaa kugu badan doono cadaadiska dhiigga, waxaadna halis u tahay inuu kugu dhaco wadno xanuun .

Difaaca Jirka Oo Yaraada

Hurdo la,aanta waxay keentaa inuu yaraado difaaca jirkaaga, waxaa lagu ogaaday daraasad laga sameeyey jaamacadda uu leeyahay Sheldon Cohen ee lagu magacaabo Carnegie Mellon University sanadkii 2009 in hurdo la,aanta ay keento inuu aad u yaraado difaacaa qofka, waxaan mar kasta ku dhaco cuduro uu kamid yahay Hargabka.

Maadaama aad aragtay dhibaatada ay leedahay hurdo la,aanta maxaad ugu baaqi laheyd dadka aan habeenkii hurdo ku filan helin, fikirkaaga hoos noogu reeb laga yeebee inuu qof ku waaano qaato.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment